Wax badan ka ogow xaqiiqada rasmiga ah ee Boosaaso dhalin yarada lagu xidhay ee DDS loo wado…Daawo muuqaalka…

Xogta Rasmiga ah ee aanu ka helayno dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay sheegayaan in dhalin yaro ilaa 62 qof ah la qab qabtay kadib markii lagu tuhmay in loo balan qaaday lacago qayilaad ah si loogu tashkiiliyo in ay qayb ka noqdaan qorshe taba bar loogu qaadi lahaa meelo kale si ay markaas qayb uga noqdaan jabhad cusub oo dowlad deegaanka ka dagaalama mustaqbalka dhow.

Arrinkan ayaa la sheegay in dhalin yarada daacada ah ee arrinkan lagu tashkiilinayay sidoo kale lagu dhex daray dhalin yaro kale oo xogta arrinkan bixisa iyadoo u jeedku ahaa in markaas laamaha sirdoonka ee dowlad deegaanka iyo kuwa federalku ka war heleen arrinkan dhaq dhaqaaqiisa, sidaasna markaas lagu soo qab qabtay dhalin yartaasi.

Yaa yeelanaya masuuliyada arrintan..?

Marka ugu horaysa waxaa masuuliyada dayaca shacabka dowlad deegaanka gaar ahaan dhalin yarta yeelanaysa xukuumada dowlada deegaanka Soomaalida, iyadoo la sheegay in dhalinta la qab qabtay ay u badan yihiin dhalin yaro horay askar u ahaani jirtay oo deegaanka baahi uga soo carartay sanadihii u danbeeyay, kuwaas oo muruq maal iska noqday, halkaasna ilmohooda caanaha uga raadsan jiray, halka qayb kale oo dhalin yaradaas kamid ahna ay yihiin dhibaneyaashii jeelasha ka soo baxay ee waayay daryeel umadeed oo ay u fidiso xukuumada dowlad deegaanku, taas oo markaas ku kaliftay in ay meel ay shaqo ka heli karaan u cararaan, si ay noloshooda u maariyeeaan.

Hadaba inkastoo aana soo dhowaynaynin cid kasta oo ku howlan in ay dhalin yarada deegaanka dagaal kale galiso, hadana waxaa hubaal ah dayaca siyaasadeed ee dowlad deegaanka maanta ka jira deegaanku in ay ka dhalatay fashilka xukuumada dowlada deegaanka Soomaalida ee ka gaabisay in ay markaas umada ku jihayso jiho siyaasadeed oo umada u horseedi karta midnimo iyo wadajir umadeed iyadoo la kala aragti duwan yahay.

Hoos ka daawo muuqaalada arrinkan ku saabsan

Loading

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *