Doorashadii deegaanka ka dhacday iyo faalo kooban…Read More

Jigjiganews, inkastoo ay ixtiraamayso, isla markaasna qadarin iyo bogaadin u dirayso shcabka dowlada deegaanka Soomaalida, oo runtii muujiyay dhabar adayg iyo dadaal dheeraad ah, maadaamo ay ilaa maanta ku dadaalay in ay waxkasta oo dalkooda ka socda., hagar la’aan kaalintooda uga muuqdaan. Hooyooyinka iyo da’a yarta dadaalka badan iyo wakhtigooda huray sidii ay ugu dhabar adaygeen in qoraxda iyo roobka u dhabar adaygaan si ay ugu yaraan haystaan fursad ay ku go’aansan karaan in ay soo baxaan oo ay codeeyaan iyo in kale, oo aan lagu qasbaynin in ay soo baxaan si ay u codeeyaan, anigoo ku kalsoon in shacabka dowlada deegaanku ay wakhti dhow insha Allah gaadhi doonaan in ay codkooda dhiiban doonaan iyagoo ka xoriyad iyo barwaaqo badan sida ay maanta yihiin.

Shacabka deegaanka ayaa ku dadaalaya in deegaanku uu ahaado meel xasiloon oo nabad galyo ah, iyagoo iskaga dheeraaday in haba yaraatee xukuumada u sameeyaan qorshe ay ugu marmarsooni karto si amniga deegaanka loo khal khal galiyo. Inkastoo ay meelo badan ka muuqanayeen gol daloolooyinka la xidhiidha habacsanaanta doorashada doorkan dhacday, hadana si guud shacabka deegaanku waxay wali dareemayaan in ay xasilooni haystaan, iyadoo shacabku aysan horay u helin wax dowlad ah oo ay iyagu soo xushaan kulana xisaabtamaan wax qabadkooda, haatan aysan filaynin marnaba in ay u dareeri doonaan doorasho 100% hufan, cadaalad ah oo loo siman yahay, taas oo dabcan horayba looga samray oo ayna cidna sugaynin.

arrimaha ugu muhiimsan ee doorashadii dhacday ayaa ah, in shacabka doorashada dhexdeeda aysan colaado iyo dhibaato ku qabsanin ee si nabad ah ugu soo dhamaatay, taasina ay shacabka deegaanka u tahay guul wayn, cidkastaaba ha la doortee, maadaamo jid dheer in la qaado ay u baahan tahay in meesha shacabku ay doonayaan in la gaadho loo xaqiijiyo. Guud ahaan shacabka deegaanka, xisbiyada tartamaya iyo cidkastaaba way ogayd natiijada a filan karo, dabcan midaas uunbaana soo bixi, laakiin shacabka ayaa mudan in uu fahmo hab dhaqanka doorasho ee xor ahi inuu u baahan yahay in shacabku ay fahmaan in markaas ay iyagu dowlada yihiin, xukuumaduna ay tahay mid ay dowladu leedahay, dowlada rasmiga ah ee jirtaana ay tahay shacabwaynaha oo xor ah.

Si guud, shacabka deegaanka ayaa dareemaya nafis iyo xasilooni badan, inkastoo xukuumada talada haysaa aysan dhoodhoofsanayn halisaha ku gadaaman amniga maanta jira isla markaasna aysan isku howlin xukuumadu in ay indheer garadnimo wax lagu dhiso, badalkeedana door biday in ay noqoto koox isu marxabaysa oo kursiga iyo xilkuna kala muhiimsan yahay in danta guud ee umada loo xulo indheer garad xilka gudan kara. isku soo wada duuboo arrinta ugu muhiimsan ayaa ah in shacabku ay 100% ogyihiin sida ay wax u socdaan, rajo wanaagsana ay ka rajaynayaan mustaqbalka dhow in ay deegaanka ka dhici doonto doorasho xor iyo xalaal ah oo tan iyo kuwii ka horeeyayba ka wanaagsan.

Shacabka ayaa iswaydiinaya xukuumadii 8 sano oo la soo dhaafay curyaamisay aqoonta eegaanka, kana gaabisay in umada deegaanka umad ahaan loo dhiso, si markaas ay umad midaysan oo dhisani u dhisato dhulkeeda. la soco qormooyin arrimaha bulshada ku saabsan oo aan idiinku soo gudbin doono jigjiganews,com

 

Loading

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *