Wax badan ka ogow xaalada magaalada Muqdisho iyo mucaaradka oo ugu danbayn la sheegay in ay…Read more

Magaalada caasimada ah ee Somalia ayaa dagan maanta kadib maalmo ay halkaas ka jireen qalalaase iyo rabshado u dhexeeyay mucaaradka oo ay hormuud ka yihiin madaxda hore ee kala ah, madaxwayne Hore Sheekh Shariif sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Khayre. Rabshadahan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dhinac yadii dagaalamayay iyo waliba qayb kamid ah bulshada rayadka ah, iyadoo sidoo kale colaadahani ay sababeen barakac aan badnayn.

Madaxa sirdoonka iyo nabad sugida Somalia, mudaneĀ  Mahad salaad ayaa ku guulaystay in uu ugu danbayn Xasan Cali Khayre ku qanciyo in uu ka guuro meeshii madaxtooyada u dhowayd isla markaasna uu ogolaado wada hadal in uu la galo dowlada federalka madaxda hogaamisa. Sheekh Shariif ayaa isagu maanta oo jimce ah ogolaaday in uu gurigiisa dib ugu nodqo isla markaasna ogolaaday in uu wada hadal la galo dowlada Federalka Somalia, kadib markii ay Turkiga iyo Maraykanku damaanad qaadeen in uuna dagaal kale dhici doonin. Shacabka Soomaaliyeed ayaa k daalay colaadaha soo noq noqda ee ka jira Somalia, kuwaa oo sababay in bulshadii Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo bililiqo ah, dunida oo dhana ku firidhsan isla markaasna siyaabo kala duwan bulshada Soomaaliyeed uu u haleelay burbur umadeed.

Madaxda Soomaaliyeed ayay qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in colaadaha la joojiyo isla markaasna loo tudho shacabka Soomaaliyeed ee ka daalay colaadaha iyo dhibaatooyinka soo noq noqday. mucaaradka ayaa ku mahadsan in ay tanaasul muujiyaan, inkastoo uu khilaaf imaani karo, hadana waxaa lama huraan ah in caasimada shacabka Soomaaliyeed loo tudho, si aysan u burburin isla markaasna aysan shacabku dagaalka ugu wax yeeloobin isla markaasna uga baro kicin caasimada muqdisho.

Xogaha ayaa sheegaya in sheekh sharif lagu hor istaagay jidka, iyadoo arrinkaasi uuna u wanaagsanayn Caasimada Somalia iyo guud ahaan jawigii lagu xaqiijin lahaa wada hadal dhex mara dowlada iyo mucaaradka.

Ugu danbayn, waxaa la filayaa in isniinta ay dowlada iyo mucaaradku isugu imaani doonaan Xalen si loo raadiyo xal aan xabad ahayn oo la isugu soo dhowaynayo dhinacyada, dowlada iyo mucaaradka, si looga baaqsado in ay dhinacyadu sii kala fogaadaan. Qulqulatooyinka Somalia ee u danbeeyay ayaa waji gabax ku ah xukuumada, iyadoo sidoo kale mucaaradka la doonayay in qiimo kastaba ha ugu kacdo ee ay ka fogaadaan waxkasta oo dagaal la xidhiidha ama keeni kara colaad caasimada oo baryahan danbe soo qurux badnayd lagu suuro xumaynayo. Ilaa iyo hada, Taliye mahad salaad ayaa u muuqda in uu qaadanayo kaalin nabad doon nimo oo Qaraka Somalia muhiim u ah.

 

Hoos ka daawo muuqaal arrintan ku saabsan oo faahfaahsan.

Loading

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *