Dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo dunida dhan saameeyay + Madaxwaynaha Ukraine oo warqad furan u diray…Read More

Madaxwaynaha dalka Ukraine Volodamir Zelensky ayaa warqad furan u diray dhigiisa dalka Ruushka Vladimr Putin. Warqadan oo lagu soo aadiyay wakhti magaalada uu Putin ka soo jeedo ee peterburg ay marti galinayso shirka dhaqaalaha aduunka oo kulmisay madax badan oo caalamka ka kala socota.

Madaxwaynaha Ukraine oo si wayn ula xifaaltamaya madaxwaynaha Ruushka ayaa warqadadan waadaxa loo shaaciyay ku qoray in aysan haboonayn, dagaal qaarada Yurub ka socda in xalkiisa laga sugo dalka maraykanka, isagoo sheegay in la gaadhay wakhtigii ay labada hogaamiye si toos ah waji ka waji u kulmi lahaayeen, xalka dagaalka labada wadan u dhexeeyana lagu soo afjari lahaa iyadoon loo dhexaynin oo ay si toos ah isu horfadhiyaan.

Hadaba aqalka kremiline ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka ayaa si kadis ah uga soo jawaabay waraaqdan, iyadoo aqalka kremiline ku uu soo saaray fariin u dhignayd in madaxwaynaha Ukraine uu markasta imaani karo dalka Ruushka si wada hadal toos ah loo galo, balse isla waraaqda uu qoray madaxwaynaha Ukraine ayaa muujinaysay in aysan suurto gal ahayn in labada hogaamiye ay ku kulmi karaan labada wadan dagaalamaya gudohooda, iyadoo waraadqaas lagu sheegay in loo baahan yahay in ay labada hogaamiye ku kulmaan dal saddexaad oo dhex dhexaad ah.

Dhanka kale, Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo wada go’aan Ukraine lagu gaadhsiinayo caawimaad iyo gargaar hub iyo dhaqaale, iyadoo sidoo kale uu Maraykanku doonayo in dalka Ruushka la saaro cuno qabatayn dheeraad ah oo la xidhiidha dagaalka Ukraine.

Dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa hada socda in ka badan 1500 oo maalmood, iyadoo ay dagaalkaasi ka dhasheen khasaare waa wayn oo naf iyo maalba leh. Dagaalka Ukaine ayaa guud ahaan dunida saamayn ku yeeshay, taas oo ilaa iyo hada laga dareemayo guud ahaan caalamka xaalada dagaalka Ukraine iyo Ruushku ay dunida ka abuurtay.

Dagaalka Ukraine iyo Ruushka ayay adagtahay in laga heshiiyo iyadoo labada rabitaan ee dalalkaasi ay yihiin kuwo aad u kala fog. Dalka Ruushka ayaa ku doodaya in uu doonayo in qaybo kamid ah dalka Ukraine iyo qaybo kamid ahaan jiray gabi ahaanba lagu daro dalka Ruushka iyadoo meelo badan Ruushku uu ka qabtay afti dadwayne oo lagu xaqiijinayo in goboladaasi ay kamid yihiin dalwaynaha Ruushka.

Hoos ka daawo muuqaal warkan ku saabsan oo faah faahsan

ku xidhnow jigjiganews.com si aad u hesho warar sugan, faalooyin iyo qoraalo dhaxal gal ah oo arrimaha bulshada ku saabsan.

Loading

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *