Xog: Mahad salaad oo ka miisaan cuslaaday Maxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare Xamse…Read More

 

Madaxa Sirdoonka Somalia Mahad salaad ayaa u muuqanaya nin ka miisaan culus madaxdii dowlada Somalia ugu saraysay kadib is qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhex taagan dowlada wakhtigeedu dhamaaday iyo Mucaaradka doonaya in dalka Doorasho laga qabto.

Mahad Salaad, ayaa saaka ku guulaystay inuu Xildhibaan Jacfar iyo Khayre ugu tago halkay ku sugnaayeen, iyadoo mahad salaad uu khayre ku qanciyay inuu ogolaado wada hadal, halka sidoo kale la filayo inuu la kulmi doono Madaxwaynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wakhtigan kamid ah raga sida wayn uga soo horjeeda mudo korodhsiga sharcinimadiisa la isku khilaafsanyahay, isla markaasna la isku maan dhaafay.

Mahad salaad, Ayaa dhanka kale, miisaankiisa qaan gaadhnino muujiyay kadib markuu tanaasul badan ka muujiyay is qab qabsigigii xilka galmudug cida ku haboon, kadib markii ay Madaxwaynaha Somalia iyo isagu ku kala aragti duwanaadeen xilkaas cida ku habonn kadib damicii xukuumada Somalia ay ku doonaysay in ay ku badasho qoor qoor.

Dowlada Somalia, ayay haboontahay in aysan marnaba qalalaase ka bilaabin galmudug, taas oo keeni karta qalalaase horleh oo laga maarmi karo, isla markaasna fowdo iyo qas ka abuuri kara Galmudug.

Maxaa laga baran karaa Weerarkii lafta gareen lagu qaaday…?

Isku daygii dowlada Federalku ay ku wajahday koonfur galbeed ayay khabiirada siyaasadeed u arkaan qar iska tuurnimo siyaasadeed oo ay ku kacday villa Somalia, iyadoo khilaafka Lafta gareen iyo Villa Somalia uu ahaa mid wakhti kooban jiray. Dhanka kale, weerarka ayaa ku beegmay wakhti uu lafta gareen cibaado ugu maqnaa xaramka barakaysan, taas oo sidoo kale fool xumaynaysa howlgalkii lagaga takhalusay lafta gareen.

Ugu danbayn, Mahad salaad ayaa u muuqda qofka ugu haboon ee wakhtigan dhex dhexaadin kara mucaaradka iyo xukuumada, maadamo madaxwaynaha go’aankiisu cadyahay, masuuliyiinta dowlada ee kale oo dhana ay yihiin kuwo 100% ku daba faylsan amarka madaxwaynaha, halka Mahad salaad uu isku dayayo inuu madaxwaynaha wax ku soo kordhiyo isagoo daaqadaha wada hadalka furitaankooda ka caawinaya dowlada.

La soco muuqaal xiiso badan oo arrinkan ku saabsan. Ku soo biir Youtube keena.

Loading

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *