Wax badan ka ogow Weerarkii Lafta gareen lagu qaaday iyo saamaynta taban ee ka dhalatay…Read More

Dhowaan ayay ahayd markii madaxwaynihii maamul goboleedka koonfur galbeed xoog iyo xeeled isku jira lagu muquuniyay si xukunka looga xayuubiyo. kadib iska hor imaadyo kooban oo dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa lafta gareen taabacsan waxy ciidamada dowladu si fudud ula wareegeen magaalada baydhabo ee xarunta u ah dowlad goboleedka koonfur galbeed Somalia.

Dowlada ayaa si ku meel gaadh ah ugu magacawday maamul cusub oo sii hogaamiya maamulka koonfur galbeed tan iyo inta doorasho cusub laga qabanayo. ugu danbayn dowladu waxay doorasho ka qabatay maamulka Koonfur galbeed, balse wali waxaa jira qul qulatooyin amni darro iyadoo lafta gareen u muuqdo mid aan wali qanacsanayn.

Hadaba maxay ahaayeen qaladaadka siyaasadeed ee ka dhacay baydhabo…?

  1. Lafta garee wakhtiga la beegsaday wuxuu ku maqnaa xaramka barakaysan, isagoo la sheegay in uu cimro iyo cibaado halkaas u aaday. Hadaba akhristoow siday kuula muuqataa in qof muslim ah oo guriga ilaahay cibaado ugu maqan la weeraro iyadoo wanaag rabi laga rajaynayo, umad dhan masuuliyadeedna la xambaarsan yahay.
  2. Qodobka labaad ayaa ah in khilaafka dhex maray xukuumada Somalia iyo lafta gareen uu ahaa mid wakhti kooban jiray iyadoo si fudud loo xalin karay, isla markaasna lagu qancin karay in xukuumadu waxyaabaha ay u baahan tahay ay si fudud ugala xaasho.
  3. Qodobka kale ee saamaynta leh ayaa ahaa, in gaadiidka dagaalka ee shacabka loo adeegsanayo ay ka dhalan karto cawaaqib xumo la xidhiidha in dalka Somalia ay markale dhibane u noqoto cuno qabatayn dhanka hubka ah, iyadoo dhowaan uun ay ahayd markii ay Somalia ku guulaysatay in laga qaado cuno qabataynta dhanka hubka oo mudo saarnayd.
  4. Talaabadii ka dhanka ahayd lafta gareen ayaa keentay in golaha mucaaradka iyo dowlad goboleedyadu ay sii fogaadaan isla markaasna ay adkaato in wadahadal lagalo ama ay heshiiyaan dowlad goboleedyada iyo dowlad federalka Somalia.

inkastoo koonfur galbeed hada ay yeelanayso maamul cusub, hadana waxaa lagama maarmaan ah in lafta gareen iyo dadka taabacsan wada hadal lala furo si qul qulatooyinka ka jira dowlad deegaankaasi ay u soo afjarmaan, isla markaasna ay uga dhacdo koonfur galbeed dib u heshiisiin iyo midnimo saamayn wanaagsan u horseedi karta shacabka reer koonfur galbeed. Xalinta arrimaha koonfur galbeed ka aloosan ayaa waxay sidoo kale rajo galinaysaa in dowlad goboleedyada kale sidoo kale dib u soo nooleeyaan rajadii ay ka qabeen in heshiis laga gaadho khilaafyada hadheeyay dalka Somalia.

Booqo Youtube keena si aad u hesho xogo iyo faalooyin dhaxal gal ah.

Loading

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *