Daawo muuqalaka: Wax badan ka ogow Xaaladihii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho + Khayre oo….Read More
<span;> Magalaada Muqdisho maanta xasiloon Kadib markii 15 kii saacadood ee la soo dhaafay dagaalo iyo isku dhacyo ay ka jireen.

Isku dhacyada ayaa bilowday kadib markii uu dagaal dhex maray ilaalada Mucaaradka Madaxwayne Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaare horeĀ  Xasan Cali khayre.

Madaxwaynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif sheekh Axmed iyo <span;>Xasan Cali Khayre ayaa kulan ku lahaa meel kamid ah degmada Howlwadaag ee xudunta caasimada Xamar.

Dhinacyada ayaa isku tuur tuuray eeda la xidhiidha cida dagaalka bilowday iyadoo dhinacyada ka soo baxayaan warar is khilaafsan oo ku saabsan cidda rasmiga ah ee dagaalka bilowday.

Taliyaha booliska Somalia ayaa sheegay in ciimada dowlada jidgooyo amniga laga sugayay lagu soo weeraray, halka Khayre iyo Sheekh Sharif ay sheegeen in ciidamada dowladu ay soo weerareen wakhti ay shir ku jireen, iyagoo ka arrinsanayay banaan bax ay mucaaradku qorshaynayeen.

Mucaaradka ayaa sheegay in masuuliyada khasaaraha ka dhasha dagaalka uu qaadi doono madaxwaynaha wakhtigiisu dhamaaday waa siday hadalka u dhigeene, oo ay ula jeedaan Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyihii hore ee laanta sirdoonka qaranka, Mudane Fahad yaasiin ayaa horay u saadaaliyay in ciidamada dowladu weerari doonaan mucaaradka, taas oo hada u muuqata in ay soo shaac baxayso.

Madaxwaynihii hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhankiisa canbeereeyay weerarka lagu qaaday Mucaaradka wuxuuna hadalkiisu u dhignaa sida hoos ku xusan, “Weerarka uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday xalay uu ku qaaday hoyga madaxdii hore ee dalka iyo dagaalka uu ka wado caasimaadda Muqdisho waa fal halis ku ah dowladnimada, nabadda iyo xasilloonida caasimadda, muujinayana heerka uu gaaray damaca gurracan ee Madaxwaynihii Hore oo awoodda dowladnimada u adeegsanaya xukun maroorsi iyo afduubka masiirka ummadda Soomaaliyeed”.

Qaar kamid ah dalalka beesha caalamka ayaa siyaabo isku mid ah u canbaareeyay dagaalka ka dhacay caasimada Somalia ee Muqdisho, iyagoo dhinacyada ugu baaqay in ay masuul ka yihiin umada isla markaasna xasuusiyay in shacabka loo tudho lagana waantoobo dagaalka.

Khilaafka mucaaradka iyo dowlada ayaa xoogaystay kadib markii uu madaxwayne Xasan sheegay in uu hal sano u dhiman yahay, arrinkaas oo ka baxsan mudo xileedkii horay la isula ogalaa.

Madaxwayne Xasan iyo xukuuadiisa ayaa arrinka mudo kordhinta u cuskanaysa sharci dhowaan ay goleyaasha sharci dajinta Somalia meel mariyeen, sharcigaas oo dowlad goboleedyada qaarkood ay horay uga biyo diideen.

Waxaa hubaal ah in Dalka Somalia u baahan yahay sharci dhamays tiran oo dalka lagu hago, hadana waxaa jirta caqabad dhanka amaanka ah oo shacabka Soomaaliyeed aan u ogaanaynin in ay u codeeyaan sharci kaamil ah oo dalka lagu hago, badalkeeda, wakhtigan waxaa shacabka masuul ka ah, goleyaasha sharci dajinta iyo madaxwayneyaasha dowlad goboleedyada, kuwaas oo ay haboon tahay in ay wixii sharci ah ee dalka lagu hagayo isku waafaqaan si ay u sahlanaato in ay wada jaan qaadaan, isku aragtina ka noqdaan ku qanaca dastuurka Cusub ee Somalia.

Ugu danbayn, Xasan Cali khayre ayaa la sheegay in uu ogolaaday in uu gurigiisa dib u noqdo, dagaalkana joojiyo, si loo wada hadlo magaaladana colaada iyo dagaalka looga joojiyo.

Wali waxaan xal laga gaadhin dhanka Sheekh Sharif sheekh Axmed oo isaga wali ayna dowlada wax isfahan ah la yeelan dowladu.

Hoos ka daawo muuqaal faah faahsan.

Loading

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *