Daawo: Maxaa sababay in sanadkii 2025 dhaqaalihii ugu badnaa Hub iyo Ciidan lagu bixiyo…?

Daawo: Maxaa sababay in sanadkii 2025 dhaqaalihii ugu badnaa Hub iyo Ciidan lagu bixiyo…?

Cilmi baadhis ay samaysay haayad laga leeyahay dalka Norway oo mageceeda la yidhaahdo Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI), ayaa sheegtay in sanadkii 2025 uu ahaa sanadkii dunidu ay dhaqaalaha ugu badan ku bixisay dhanka ciidanka, gaashaan dhiga iyo hubka.

Dhaqaalaha hubka lagu bixiyay sanadkaas ayaa lagu sheegay 2.88 Trillion oo doolarka maraykanka ah, lacagtaas oo dunida oo dhan dadka ku nool hadii loo qaybiyo qofkastaa heli lagaa 350 Dollar oo lacagta maraykan ah.

Wadamada dhaqaalaha ugu badan ciidankooda ku bixiyay ayaa waxay kala yihiin kuwa hoos ku xusan.

United States ($954bn),

China ($336bn),

Russia ($190bn),

Germany ($114bn) iyo

India ($92bn).

Arrintan ayaa noqonaysa mid 3 jibaar ka dhigaysa dhaqaalaha abid lagu bixiyay ciidan ilaa sanadkio 1050, wakhtigaas oo la sheegay in uu dhaqaalaha difaaca iyo ciidanka la galiyay ay noqonayso ilaa 1 Trillion oo lacagta doolarka maraykanka ah. Arrinkan 1950 kii dhacay ayaa la sheegay in uu sababay diyaar garowga dagaalkii qaboobaa ee dunida ee lagu burburiyay midowgii Suufiyatiga oo ahaa nidaam aad u awood badan.

Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan oo arrinkan ku saabsan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*