Daawo: khasaaraha Xukuukamada dowlad deegaanka ka soo gaadhaya xadhiga Bisle…
Wararka maalmihii u danbeeyay laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in la xidhay Bisle oo ahaa wiil dhalin yaro ah oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee baraha bulshada wax ku qora, kana hadla.
Bisle ayaa la sheegay in Addis Ababa oo caasimada dalka ah laga soo afduubtay kadibna la keenay magaalada Jigjiga. Halkaas oo uu ku xidhan yahay maalinkii labaad iyadoo la sheegay in saaka maxkamad la hor geeyay laguna eedeeyay arrimo ka baxsan dhaliilihii uu xukuumada u jeedin jiray iyo arrimihii isaga iyo dhalinta kale ee baraha bulshada isticmaasha dhex mari jiray.
Xadhiga Bisle ayaa markasta si kasta fadeexad ugu ah xukuumada jirta, marka dhinacyo badan laga eego, waana sababaha aan xukuumada ugu tilmaamo marar kala duwan in ay isla xukuumadu dhexdeeda isla dagaalamayso, oo aan laga fiirsanin talaabooyinka la qaadayo.
Hoos ka daawo muuqaal Xiiso badan

Leave a Reply