Daawo: Waa maxay sababta Dowlad deegaanka Soomaalida loogu tilmaami karo in ay gabi ka laa laado…?

Daawo: Waa maxay sababta Dowlad deegaanka Soomaalida loogu tilmaami karo in ay gabi ka laa laado…?

Xukuumada dowlada dregaanka Soomaalida ayaa ah mid gabi ka laalaada, sababo la xidhiidha qorshe xumo, isla xisaabtan la’aan iyo shaqsiyaadka xukuumada kawada tirsan oo isu dhigaya jalfis siyaasadeed oo xilka la isku dhaafinayo.

Xadhiga bisle iyo qaar badan oo kale oo xidhan u jeedka ay siyaasiyiinta qaarkood ka leeyihiin ayaa ah in ay xukuumada iyo beelaha Soomaalida qaar kamid ah iska horkeenaan, badalkii ay xal u raadini lahaayeen tabashada shacabka, qurbo joog iyo qaran joog intaba.

Xukuumada hada jirta ayaa ah, mid aan cid cabanaysa dhagaysan katin cabashadeed, waxna aan ka qabani karin, iyadoo masuul kastaa uu siduu doono ka yeelo xafiiska iyo masuuliyada lagu aaminay, halka masuuliyiinta qaarkood ay xilka u istivmaalaan si ay xukuumada iyo shacabka u kala dilaan isagana horkeenaan.

Bisle hadaan la sii daynin, waxaa xumaani doona xidhiidhka xukuumada iyo shacabka qaybo kamid ah, iyadoo aan la heli doonin cadaymo macno leh oo danbi looga dhigo Bisle oo ahaa nin dhalin yaro ah oo baraha bulshada caan ka ah.

Qaar kamid ah qurbo joogta iyo wax garadka beesha jidwaad ayaa la arkayay iyagoo si adag uga cadhooday xahdiga loo gaystay Bisle, iyagoo dowlada deegaanka ugu baaqay in ninkaas xoriyadiisa la siiyo, lana sii daayo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*