Daawo Muuqaalka: Shan sano oo xabsi ah ayay ku xukuntay, Balse Salaan ayuu taagay + Sababtu maxy tahay…?

Daawo Muuqaalka: Shan sano oo xabsi ah ayay ku xukuntay, Balse Salaan ayuu taagay + Sababtu maxy tahay…?

Waa maalin khamiis ah, waa maanta subaxdii hore, 16 ka bishan April 2016 ka. Waa dalka Konfurta Africa, Waxaa xukun shan sano ah oo xidhiidh ah lagu riday gudoomiyaha xisbiga mucaaradka dalka koonfurta Africa ee magiciisa marka la soo gaabiyo loo yaqaano EFF, magiciisu waa Julius melama, waa gar yaqaan aan ka gabanin u doodista Jinsiga Africanka ah.

Ninkan oo caan ku ah, doodaha qayaxan ee lagu raadinayo xoojinta Xoriyada iyo isku filaanshaha Dadka Asal ahaan African ka ah ayaa caan ku ahaa inuu qaarada Africa aad ugu ol oleeyo xuquuqda Africanka, iyadoo danbiga hada loo haysto la sheegay in uu yahay danbi la xidhiidha dhanka xabado uu ka riday goob fagaare ah.

Si kastaba ha ahaatee, ninkan oo la keenay maxkamada ayaa markuu xukunku ku dhacay, salaan u taagay gabadhii xaakimka maxkamada ahayd ee xukunka shanta sano ah ku riday.

Mar wax laga waydiiyay sababta ayuu saaxiibadiisa u sheegay in uu wajigeeda dhibsaday, isla markaasna uu guul u arkayay inuu wajigeeda ka libdhay oo uuna dib iiga soo hor bixi doonin.

Hogaamiyahan gar yaqaanka ah ayaa la filayaa in uu ruqsad ka qaadan doono maxkamadaha ka sareeya midan, isagoo laga yaabo in xukunkaas gabi ahaanba laga cafiyo oo xoriyadiisa la siiyo mar kale.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*