Daawo muuqaalka: Xukuumada DDS fashilkeeda ma ku qartaa La muranka Maamulkii hore…?

Daawo muuqaalka: Xukuumada DDS fashilkeeda ma ku qartaa La muranka Maamulkii hore…?

Wakhti ay todobaadkii u danbeeyay soo shaac baxayeen muranka iyo waraysiyada kala duwan, qoraalada baraha bulshada iyo qayla dhaanta xukuumada cusub ee Mustafe, ayaa waxaa waraysi bixiyay Madaxwaynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida cabdi Maxamuud Cumar oo ha hadlay arrimo badan oo suaalo laga waydiiyay.

Inkastoo suaalaha iyo waraysigu ay ku koobnaayeen kuwo shaqsi ahaan loo waydiiyay madaxwaynihii hore ee kilalka, hadana dad badan ayaa siyaabo kala duwan uva fal celiyay waraysigan, dadkaas oo u badan dhibaneyaashii jeelasha ka soo baxay ee xukuumadii hore ay siyaabaha kala duwan dhibaatada ugala kulmay.

Hadaba, arrinkan ayaa ku soo neegmaya wakhti xukuumada hada deegaanka ka arrimisaa ay la daalaa dhacayso marjonimo, ku tagrifal awoodeed oo heerarka kala duwan, dhaqaale xumo iyo sixir barar iyo waliba isla xisaabtan la’aan baahsan oo dishat hufnaantii dowladnimo ee loo baahnaa.

Hoos ka daawo muuqaalka faaladan oo faah faahsan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*