Deg deg: Ukraine oo sheegtay in Ruushku maanta la beegsaday drone iyo gantaalo goobo kala duwan oo Ukraine ah…
Ciidamada dalka Ukraine ayaa sheegay in Ruushku maanta hadh cad gantaalo 20 ah iyo 349 drone oo nooca aan duuliyaha lahayn ah lala beegsaday meelo kala duwan ee kamid ah gudaha dalka Ukraine.
Dagaalka Ukraine iyo Ruushka ayaa galay sanadkii shanaad oo xidhiidh ah oo dagaalkaasi uu halkii ka sii soconayo, iyadoo sidoo kale Madaxwaynaha Ukraine uu Maraykanka la socodsiiyay in gantaalaha ay haystaan reer Ukraine ay gabaabsi yihiin, wakhti ay Ciidamada Ruushku bilaabeen in ay si toos ah u beegsadaan Gudaha Ukraine. Todobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markay Ruushka iyo Ukraine is waydaarsadeen maxaabiis iyo waliba maydadka askar dhimatay oo labada dhinac ah.
Dhanka Ukraine iyo Ruushka, wada hadaladii u dhexeeyay ayaa wali ah kuwo aan guulaysanin, iyadoo ay wali jirto rajo ah in wada hadalada Ukraine iyo Ruuskhu guulaystaan oo ay colaadu soo afjaranto inkastoo marka la eego Ruushka rabitaankiisa dhanka gudaha dalka Ukraine dhulka uu ka doonayo la eego aysan sahlanayn ay Ukraine u tanaazusho Ruushka, hadana waxaa wali socda wada hadalada u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ee saddex xagalka ah ee gadhwadeenka uu ka yahay Maraykanku.

Leave a Reply