Wax badan ka ogow arrinta Cusub ee maraykanku ku dhawaaqay ee cadaadiska iu ah Iran + Muuqaalh

Wax badan ka ogow arrinta Cusub ee maraykanku ku dhawaaqay ee cadaadiska iu ah Iran + Muuqaal

Wakhti wali xabad joojintii Maraykanka iyo Iran ay sugantahay, dhex dhexaadintii Pakistan ay halkeedii ka sii socoto  Ayay dowlada Maraykanku sheegtay in ay ilaa 10 kun oo ciidan ah oo cusub u dirayso bariga dhexe isla Bishan April in aysan dhamaanin.

Arrinkan oo laga soo xigtay Saraakiil Maraykan ah oo aan magocooda Shaacinin sida aan ka soo xiganay Aljazeera, ayaa sheegay in 6000 oo ciidankan kamid ahi ay soo socdaan oo dhexda ku soo jiraan, halka 4200 oo kalena ay daba yaaqada bishan soo gaadhayaan Bariga dhexe.

Arrinkan ayaa cadaadis ku ah Iran, wakhti aad isha loogu hayo wada hadalka Pakistan gadhwadeenka ka tahay ee ka soconaya Islamabad oo horay loo galay wareegii koobaad oo si deg deg ah ku dhacay, socdayna 21 saacadood oo xidhiidh u badan.

Hoos ka daawo muuqaalka Faalo dheeraad ah oo warkan ku saabsan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*