Daawo muiqaalka Maraykanka oo arrin cusub soo jeediyay iyo Pakistan oo talaabo cajiib ah qaaday…
Iyadoo ay wali shaqaynayso dhaqan galna tahay xabad joojintii uu Maraykanku gadh wadeenka ka ahaa ee lagu hakiyay colaadihii bariga dhexe, gaar ahaan dagaalkii u dhexeeyay Maraykanka iyo Israel oo dhinac ah iyo Iran oo dhibac ah, ayuu maraykanku sheegay in uu doonayo in wada hadaladii ay Pakistan Gadhwadeenka ka ahayd halkoodii laga sii wado, isagoo madaxwaynaha Maraylanku sheegay in uu aad ugu jan jeedho dhanka wada hadalada ay Pakistan Gadh wadeenka ka tahay.
Ra’iisulwasaaraha Pakistan ayaa booqasho ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo sidoo kale ay ciidamada Pakistan gaadheen garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah, halkaas oo la filayo in ay Pakistan diyaar u tahay in ay qayb muhiim ah ka qaadato difaaca Boqortooyada Sucuudiga.
Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha Pakistan ayaa la filayaa inuu safar u sii gali doono dalka Turkiga iyadoo ay Pakistan wali wado dadaalada nabad waarta iyo xal looga gaadhi karo gabi ahaanba colaadaha bariga dhexe, gaar ahaan colaada ka taagan Iran.
Ugu danbayn, waxaa soo baxaysa xaqiiqada ah in Madaxwayne Trump uuna aqbali foonin Iran in ay nuclear samaysato, qodobkaas oo ah qodob ay Iran aad ugu dhagan tahay dhankeeda. Balse Maraykanka ayaa doonaya in uu ku dadaalo sidii Wada hadalada Pakistan gadhwadeenkanka tahay ay u guulaysani lahaayeen.
Hoos ka daawo muuqaal faah faahsan

Leave a Reply