Dowlad Deegaanka maxaa ku kalifay in ay 8 sano xukuumadii hore kaliya ajande siyaasadeed ka dhigato…Daawo muuqaalka
Tan iyo markuu dowlad deegaanka isbadalku ka dhacay sanadkii 2018 kii, xukuumada dowlada deegaanka ayaa ajande siyaasadeed ka dhigatay hadal haynta iyo dhaleecaynta xukuumadii ka horaysay, iyadoo lumisay kalsiinidii shacabka dowlad deegaanka ee la xidhiidhay in dowlada masuukiyiinta hogaamiyaa aysan karti ay wax kula xisaabtamaan iyo mid ay ku cafiyaan ama ku samraan midna lahayn.
Suaalaha ugu badan ee shacabku iswaydiinayaan ayaa ah, hadii ay samir guud iyo cafis ku qanci waayeen, in xukuumadu ay la xisaabtanto dabiileyaasha ay sheegtay yay sugaysaa sow iyagu xilkii ma hayaan oo uguma sareeyaan maamulka ama dowlada jirta.
Dhanka kale, umaduhu matkay colaado noocan oo kale ah wajahaan siday mustaqbalka u wanaajin lahaayeen ayay xoogaa saaraan, balse xukuumada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa qorshe ka dhigay ka hadalka xukuumadii hore, si joogto ah, iyadoo uuna jirin qorshe guud oo hufan oo lagu hagayo umada deegaanka Soomaalida.
Arrimaha kale ee yaabka badan ayaa ah, in isla kuwii maamulkii hore iyo dowladii hore ee deegaanka la soo shaqeeyay ay yihiin kuwa hor boodaya hadal haynta xukuumadii hore si ay danbi isaga leexiyaan uguna riixaan madaxwaynihii hore ee dowlad eegaanka iyagoo qaar kamid ahi ay ka xumaayren madaxwaynihii hore ee dowlad deegaanka ee ay hadal hayaan.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Leave a Reply