Daawo Muuqaalka oo Wax badan ka ogow sababaha Keenaya in Doorashada itoobiya ee 7aad dib loo dhigo…Read More
Doorashada guud ee dalka ayaa la filayay in ay dhacdo sanadkan badhtamihiisa, iyadoo la arkayay xisbiyada kala duwan oo samaynaya isdiiwaan galin, looltan iyo qaadashada kaarar cod bixineed oo noocyadii horay loo isticmaali jiray ah.
Hadaba, marka la qiimeeyo arrimo dhowr ah oo muhiim ah oo isugu jira kuwa gudaha dalka ee amnigu ugu horeeyo iyo kuwa dibada ah oo gudaha saamayn ku leh, waxaa la rajaynayaa in doorashada dalka ee guud dib loo dhigo isla markaasna sanad ama laba kadib la qabto doorashada guud ee wadanka.
Sababaha keenaya in Doorashada dib loo dhigo ayaa waxaa kamid ah;
1. Amniga dowlad deegaanada Oromia, Amhara, Tigray iyo Gambella, iyadoo guud ahaan dowlad deeganadani ay la daalaa dhacayaan colaado noocyo kala duwan ku yimid, Oromia waxaa ka jirta jabhada u dagaalanta madax banaanida Oromia, halka Amhara region ay jabhada Fano dowlad ku kacsan tahay oo dagaal ay kula jirto ciidamada Federalka iyo kuwa dowlad deegaanka Amhara. Dowlad Deegaanka Tigray ayaan dowlada Federalka ah gacanta ugu jirin, iyadoo sanadihii u danbeeyay ay deegaankaas gacanta ku haysay dowlad ka ka xidhiidh furatay Federalka oo dagaal u diyaarsan, halka dowlada Federalku ay doonayso in ay gabi ahaanba ciidamada qalabka sida gayso guud ahaan xeryohoodii iyo saldhigyadii ay ku lahaayeen gobolka Tigray.
Dowlad deegaanka Gambella ayaa waxaa ka jira colaado qabiil oo ku salaysan dhul iyo qabyaalad, iyadoo ay sanadihii 2025 ilaa 2026 oo aan ku jirno deegaankaas ka dheceen dagaalo badan oo ehli ah oo u dhexeeya dadka walaalaha ah ee Gambella region ku wada nool.
Qodob kale oo muhiim ah oo doorashada la xidhiidha ayaa ah in shacabka reer itoobiya intooda badan aysan qaadanin kaarka lafta ah ee aqoonsiga ah, (digital ID cards) kaas oo sahli kara in la qabto doorasho lagu kalsoonaani karo oo shacabka dalku ay kalsooni ku qabi karaan, isla markaasna xisbiyada ka xanibaysa in waraaqo been abuur ah cidna iska daabacato si ay u sheegato guul been abuur ah oo gacan ku rimis ah.
Arrimaha kale ee dibada ee saamaynta ku leh arrimaha gudaha waxaa kamid ah, Shidaalka dunida oo qaaliyoobay, halka guud ahaan gudaha dalka itoobiya laga dareemayo shidaal yaraan baahsan.
Hoos ka daawo muuqaalka faalada arrinkan oo faah faahsan.

Leave a Reply