Wax badan ka ogow sababta Pakistan ay diyaaradaha dagaalka ugu dirtay Sucuudiga…
Dalka Pakistan ayaa diyaaradihiisa dagaalka u diray boqortooyada Sucuudiga si ay uga difaacaan hadii dhanka Iran uu kaga yimaadaan weerar ama duqaymo iyo diyaaradaha is miidaamiya ee aan duuliyaha lahayn.
Pakistan ayaa sheegtay in Dalkeeda masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay difaaca dalka boqortooyada sucuudiga iyo garab istaagiisa, dal ahaana ay arribtaasi muhiim u tahay.
Arrinkan ayaa imaanaya wakhti ay wada hadalo gudaha dalka Pakistan uga socdaan wafti ka socda Maraykanka iyo wafti kale oo ka socda dalka Iran.
Waxaa ilaa bari la ogaani doonaa natiijada ka soo bixi karta wada hadalada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, iyadoo natiijada la fili karo ilaa gada ay tahay in labada ergo ay isku waafaqaan in wada hadalka la sii wado, Nuxurka heshiis hor dhac ahna ay labada wafti dib ugula kala laabtaan caasimadaha dalalka Iran iyo Maraykanka, iyadoo la ogyahay in diplomaasiyadu aysan ahayn dhacdo balse taas badalkeeda ay tahay process ama qorshe wakhti qaadan kara in si buuxda loo dhaqan galiyo la isuguna waafaqo.
Pakistan, ayaa Iran u xaqiijisay in diyaaradaha Pakistan aysan u tagaynin Sucuudiga in ay Iran halkaas kaga soo duulaan, balse ay tahay arrin la xidhiidha difaaca dalka boqortooyada Sucuudi Carabiya oo kale.
Madaxwaynaha dalka Maraykanka oo mar dhow warbaahinta la hadlay wakhti kooban ayaa dhankiisa sheegay in ay maraykanku guulaysteen, wax kasta oo wada hadalka ka soo baxaana uu guul kama danbays ah u yahay dalka Maraykanka iyo xulufadiisa.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibada ee Iran ayaa sheegay in ay dalka Lebnon xidhiidh la leeyihiin si joogto ah, si markaasna ay guud ahaan bariga dhexe uga dhacdo xabad joojin ay ka simanyihiin Iran iyo Lebnon, dhanka kale, jabhada lebnon ku sugan ayaa la sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ixtiraamaan xabad joojinta iyo waliba hadii ay wada hadaladu guulaystaan in ay qayb ka noqdaan qorshaha nabad waarta lagu raadinayo, inkastoo la arkayay duqaymo iyo holac si toos ah uga socda meelo kamid ah gudaha dalka lebnon.
Hoos Riix oo daawo muuqaal xiiso badan
Ku xidhnow: jigjiganews.com

Leave a Reply