Daawo.muuqaalka: Fashilka xukuumada Mustafe dul hoganaya lama daawan karo waa in si deg deg ah loo kala eryaa kooxda maangaabka ah ee deegaanka xukunta…Read More

Daawo.muuqaalka: Fashilka xukuumada Mustafe dul hoganaya lama daawan karo waa in si deg deg ah loo kala eryaa kooxda maangaabka ah ee deegaanka xukunta…Read More

Qofka tuuga ah ee lacag ama xoolo kaa xada waxaa ka halis badan siyaasiga aan hadafka guud ee sugan lahayn ee mustaqbalka umada xadaya, waana sifada ay ku jirta xukuumada dowlada Deegaanka Soomaalidu.

Isbadalku markuu dhacay 2018 kii, 98% shacabka dowlad deegaanka iyo ururada mucaaradka ahba way taageersanaayeen oo ay diyaar u ahaayeen in ay naf iyo maalba u huraan difaaca xukuumada cusub, iyadoo markaa loo arkayay in ay tahay mid u horseedi doonta deegaanka midnimo, cadaalad iyo barwaaqo waarya, balse taas badalkeeda, xukuumada deegaanku waxay ku fashilantay in ay shacabka deegaanka u jihayso jiho siyaasadeed oo umada mustaqbalkeeda lagu sugi karo, iyadoo badalkeeda ku caan baxday musuq, buun buunin aan jirin iyo waliba gaabis joogto ah.

 

Wakhtigaas 8 sano ah, waxaa intaas xukuumada u dheeraa, qorshe xumada, tayo xumada, is jalaafaynta maamulka dhexdiisa ah, iyo muranka ay xubnaha deegaanka xukumaa caadaysteen oo ka dhan ah shacabka, badalkii ay mushkuladaha keenaya cabashada shacabka isu dayi lahaayeen in ay ogaadaan ama wax ka qabtaan.

Dhanka kale, nin maqan tabitaankii waa nin maqan ceebtiiye, xukuumadan ayaa caadaysatay in ay laba qodob ku qariso fashilkeeda siyaasadeed marka ay shacabka iyo siyaasiyiintu tooshka ku iftiimiyaan, labadaas qodob oo kala ah;

 

1. Tplf gacan yare yaashoodii baa ina soo weeraraya- xukuumada ayaa cid kasta oo dhaliisha ku shaanbadaysa in ay tahay gacan yare tplf, iyadoo eedahaas mararka qaar u jeedisa xataa ururadii tplf la dagaalamayay 30 sano ka dhowaad ee ay xabada nool nool isla dhacayeen, taas oo ku tusaysa been abuurka loo maleego qofkasta oo dhaliisha xukuumada farta ku fiiqa.

 

2. Dhibaneyaasha oo la horkeeno tv yada oo la dhoho kaalaya ila ooya oo qiiq ku fura kuwa ceebaha iyo fashilka xukuumada ka hadlaya- dhibaneyaasha dowlad deegaanka Soomaalida Jooga, maxaa sababay markii xukuumada la dhaliilo oo kaliya in ay soo xasuustaan kuwa xukuumada hogaamiyaa, maxaa diiday in wax loo qabto 8 sano oo la soo dhaafay, haday noqoto caafimaad, Dhaqaale ama niyad dhis,(counselling)?.

 

Dabcan, sida ficilka xukuumada ka muuqata  xukuumadu dan iyo heelo kama laha dhibaneyaasha dregaanka, balse waxay u haysataa in ay ka dhigato hub ay ku dagaalanto marka xukuumada gaabiska ah dhaliisheeda jirta toos loo soo bandhigo.

Jigjiganews.com

Codka shacabka dowlad deegaanka Soomaalida.

Hoos ka daawo muuqaal faah faahsan oo arrinkan ku saabsan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*