Wada hadaladii Maraykanka iyo Iran oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday +Rajada hada jirta…Read More

Wada hadaladii Maraykanka iyo Iran oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday +Rajada hada jirta…Read More

Waxaa natiijo lq’aan ku soo dhamaaday wada hadaladii u dhexeeyay ergooyinkii ka kala socday dalalka Maraykanka iyo Iran ee ka socday caasimada dalka Pakistan ee islamabad, hadlkaas oo ay ka socdeen wada hadalo ay gadh wadeen ka ahayd dowlada Pakistan oo socday 21 saacadood oo xidhiidh ah.

Labada dhibac ayuu midba midka kale ku eedeeyay in uu sabab u yahay burburka wada xaajoodka, isagoo madaxwayne ku xigeenka Maraykunku yidhi, “Inaan la heshiinini waxay u daran tahay Iran, in ka badan inta ay u daran tahay Maraykanka”.

Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay in aan cidna filaynin in heshiis dag dag ah ay labada dhinac gaadhaan iyadoo ay sidoo kale sheegeen in wada hadalada ay hadheeyeen kalsooni karo badan iyo is aaminaad la’aan baahsan, balse diblomaasiyadu ay sii socon doonto si xal loo gaadho.

Pakistan, ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dhex dhexaadinta labada dhinac, ilaa iyo inta laga gaadhayo nabad buuxda oo labada dhinac ay ku qancaan. Iran ayaa sheegtay in Maraykanku ay la yimaadeen shuruudo badan oo aan markaasi la wada qaadan karin.

Wada hadaladan ayaa la filayay in ugu yaraan isfahan hordhac ahi ka soo baxaan, balse taas badalkeeda wax ay labada dhinac isku af garteeni ma jiro haba yaraatee, marka laga soo tago rajada laga qabo in kulamo danbe ay Pakistan isugu keeni doonto dhinacyada.

Shidaalka dunida ayaa wali cirka isku sii shareeraya qiimo ahaan, kadib markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Iran iyo maraykanku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*