Daawo Maxaadan ogayn oo si hoose uga socda dunidan aan ku noolahay …?

Daawade maxaadan ogayn oo si hoose uga socda dunidan aan ku noolahay …?

Kadib go’aankii madaxwaynaha dalka Maraykanka ee la xidhiidhay xabad joojintii koobnayd iyo dhex dhexaadintii ay Pakistan waday Waxaa la galay todobaadyo kooban oo xabad joojin ah, oo la dareemay nafis iyo xasilooni ku meel gaadh ah oo aan rasmi ahayn.

Dunida ayaa dareentay in ay soo muuqanayso rajo mar kale uu ku soo kaban karo dhaqaalaha aduunka oo si adag u dhiig baxayay todobaadyadii la soo dhaafay.

Dhanka dalka Iran waxaa ka istaagay duqaymihii sida Roobka ugu socday iyo diyaaradihii dunida ugu casrisanaa ee dul heehaabayay daqiiqad kasta.

  Dhanka kale Saldhigyada Maraykanka ee bariga dhexe iyo ciidamada Maraykanka ayaa sidoo kale dareemay nasasho kadib 40 bari in ka badan oo dagaal joogto ah ay ku jireen.

Dunida ayaa dareentay nafis iyo rajo la xidhiidha in dhaqaalaha caalamka ee dhiig baxayaa dib u soo kabto, balse wali ma jiro heshiis arrinkaasi xaqiijinaya oo labada dhinac dhex maray.

Israel dhankeeda waxay sheegtay in ay markasta la sii dagaalami doonto Iran hadii loo baahdo.

HADABA MAXAA KAA QARSOON OO AAN LOO BANDHIGIN WARBAAHINTA CAALAMKA.

Iran ayaa doonaysa in ay il dhaqaale ka samaysato marinka Hormuz, kaas oo ay doonayso in ay ka samayso dhaqaalihii ugu badnaa abid.

Halista arrinkan uu maraykanku dhex arko ayaa ah, in Iran ay doonayso in shidaalka Iran ay ku iibiso dhaqaalaha lacagta dalka Shiinaha ama lacagta dalka Iran, si dhaqaalaha iran uga maarmo doolarka maraykanka.

Arrinkaas ayaa halis wayn ku ah aas aaska dhaqaalaha dalka Maraykanka iyo tiirasha uu ku taagan yahay intaba.

Maraykanku dunida kuma maamulo hub iyo ciidan kaliya, balse wuxuu ku maamulaa laba arrimood oo kale oo saacida ama caawaiya Cududa ciidan, waana heshiis waraaqo ku qoran oo sahlay in doolarku uu noqdo lacagta aduunka kala wada.

Qodobka kale ayaa ah, xulufooyinka badan ee markasta garab taagan dalka Maraykanka sida quwada Nato.

Wakhtigan mid labadaas arrimood kamid ah Trump ayaa khal khal galiyay kadib markuu sheegay in Maraykanku ka fiirsanayo kamid ahaanshaha Quwada Nato, halka mida kale ay mugdi iyo hubanti la’aan galisay Iran kadib markii ay sheegtay in ay shidaalkeeda ku gadayso lacagta shiinaha.

Dalka  Ruushka ayaa arrinkan horay u sameeyay iyo waliba dalka Hindia oo marar badan lacagaha dalalkooda wax ku kala iibsaday. Arrintan oo dalka Ruushku uu uga aar gudanayay Maraykanka iyo Nato kadib dagaalka Ukraine iyo cuno qabataynta la saaray Ruushka.

Waxaa wali sii soconaya weerarada Israel ee lebnon, iyadoo Iran horay shuruudaha ugu dartay in lebnon ay qayb ka noqoto xabad joojinta iyo qorshaha Nabad waarta lagu raadinayo.

Hadaba maxay yihiin laba arrimood ee ayna dadka in badani ogayn ee Awooda maraykanka saldhiga u ah?

1. Maraykanku waa quwada koobad ee dunida, waxaana sababta kamid ah in lacagta maraykanka ee doolarku tahay lacagta suuqa aduunka ee waxkasta lagu kala iibsado gaar ahaan shidaalka aduunka.

2. Qodobka labaad ee awooda Maraykanku ku tiirsan tahay dadkuna aysan aad o ogayn ayaa ah kamid ahaanshaha quwadaha Nato oo ah dalal badan oo barwaaqo sooran ah oo ku bohoobay hal dalad iyo midow kaliya oo ku salaysan dhaqaale iyo difaac.

Hoos ka daawo muuqaalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*