Deg deg: Shiinaha oo lagu eedeeyay inuu Iran hub u dirayo maanta + Trump oo …
Waxaa warbaahinta woin aad loogu daabacay saacadihii la soo dhaafay in ay Shiinuhu hub ku daabulayaan gudaha dalka Iran, wakhti ay socdaan wada hadaladii u dhexeeyay wufuuda ka kala socotay Maraykanka iyo Iran.
Eedayntan oo aysan wali ka hadlin dowladu shiinuhu ayaa madaxwaynaha dalka Maraykanka mar wax laga waydiiyay wuxuu jawaabta ku soo koobay laba eray oo kaliya, labadaas eray oo ah, waanu guulaysanay, si kasta oo ay ahaataba, isagoo ku soo cel celiyay erayga ah, waanu guulaysanay, waanu guulaysanay.
Eedaynta loo jeedinayo dalka Shiinaha ee la xidhiidha inuu hub ku daabulayo Iran ayaa ahayd mid soo socotay tan iyo markii uu bilowday dagaalkii lagu qaaday dalka Iran mudo 44 bari ka hor ah. Eedayntan hada soo baxaysa ayaa lagu sheegay in hubka lagu daabulayo shiinuhu uu yahay midka loo isticmaalo difaaca hawada, iyadoo dunida dagaalada ka dhaca ee casriga ahi ay yihiin kuwo hawada la isku dhaafay.
Dagaalka ayaa hakad galay, kadib markii xabad joojin uu gadh wadeen ka ahaa Maraykanku ay dhaqan gashay, taas oo sidoo kale sahashay in dhibacyadu ay si fool ka fool ah isu hor fadhiistaan, kana wada hadlaan sidii nabad waarta looga gaadhi lahaa colaada bariga dhexe.
HOOS KA DAAWO MUUQAAL FAAH FAAHSAN

Leave a Reply