Deg deg: Iran oo digniin hor leh ka soo saartay ….Read More
Kadib markii uu madaxwyanaha Maraykanku ciidanka Maraykanka ku amray in ay xidhaan marinka Hormuz, dowlada Iran ayaa sheegtay in ay doon kasta oo ciidan oo u soo dhowaata marinak Hormuz u aqoonsan doonto mid soo xad gudubtay, taas oo laga dheehan karo in ay weerari doonaan cidkasta oo isku dayda in ay u soo dhowaato marinka hormuz.
Arrinka ayaa ku soo aadaya wakhti ay wali dhaqan gal tahay xabad joojintii uu Maraykanku ku gadh wadeenka ka ahaa ee mudada kooban jirtay. Si kastaba ha ahaatee waxaa la arkayay dhanka kale shacabka reer Iran oo wali wada isu soo baxyo balaadhan oo ay shacabku ku taageerayaan dowlada kacaanka Iran.
Dunida ayaa wali dhaqaale ahaan u sii dhiig bixi doonta, ilaa iyo inta aan xal nabadeed laga gaadhin dagaalka Iran iyo Maraykanka u dhexeeya.
Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan

Leave a Reply