War hada soo dhacay: Wada hadalkii Maraykanka iyo Oran oo hada furmay + kulan toos ah oo hada socda…Read More

Sidii aad isha ku wada hayseen, waxaa ilaa shalay la sugayay wada hadalka dhex mari doona ergooyinka ka kala socda Maraykanka iyo Iran oo aad loo sugayay.

Jawiga ayaa ah mid dagan, labada dhinacba hadalo wanaagsan oo rajo muujinaya ayaa ka soo baxaya, balse kalsoonida labada dhinac waa mid liidata oo aad u hoosaysa. Shacabka Iran ayaa si wayn u sugaya waxa ka soo bixi doona wada hadalkan, waxaa sidoo kale indhaha ku haya guud ahaan dalalka bariga dhexe iyo waliba beesha caalamka oo dhan.

Waxaa jira qodobo ilaa 10 gaadhaya oo ay iran miiska soo saartay, maraykanka ayaa sheegay in ay aqbalayaan balse waxaa jira arrimo 10 qodob ka badan oo la sugayo in xal laga gaadho, waxaana kanid ah dagaalka Lebnaan oo laga yaabo in Maraykanku uu yidhaahdo ma aha mid khudeeya Iran, iyadoo Iran ay sidoo kale ku adkaysanayso in ay shuruudaha ugu muhiimsan kamid yihiin in dagaalka lebnan la joojiyo.

Qodobada kale ee xaasaasiga ah ayaa waxaa kamid ah hubka nuclearka, gacan kubhaynta marinka hormuz iyo waliba arrinta la xidhiidha in maraykanku guud ahaan ciidamadiisa kala boxo bariga dhexe.

Ugu danbayn, Wafdiga Iiraan iyo Maraykanka ayaa hadda si fool-kafool ah u kulmaya. Waxaana meesha kabaxay qorshihii hore ee ahaa in labada dhinac loo dhaxeeyo.

Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee heer sare ah ee dhex mara Iran iyo Maraykanka mudo 47 sano ah.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa bartiisa bulshada soo dhigay in ay Maraykanu miinooyin ka gurayaan marinka hormuuz hada wakhtigan la joogo, iyadoo arrinkani uu yahay arein cusub.

Madaxwaynaha maraykanka ayaa sheegay in wada hadalkani uu yahay fursad la siiyaya Iran oo hadii aysan ka faa’iidaysanin ay cawaaqib xun kala kulmi doonto, dhanka kale, madaxwayne ku xigeenka maraykanka ayaa sheegay in ay nabad iyo wada hadal diyaar u yihiin, balse ay shirka ka bixi doonaan hadii aysan Iran nabad diyaar u ahayn.

 

Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan.

Ku xidhnow: jigjiganews.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*