Maraykanku NATO Miyuu ka baxayaa dagaalka Iran kadib…Faalo kooban + Muuqaalka daawo…
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald J. Trump ayaa intuu dagaalka Iran iyo Maraykanka u dhexeeyaa socday marar kala duwan dhaleecayn dusha kaga tuuray dalalka Reer Yurub ee xulufada Nato kula bohoobay dalka Maraylanka. Madaxwayne Trump ayaa arrinkan dhaleecaynta ku sababeeyay in dalalka ku bohooday Nato ay gabi ahaanba dhabarka u jeediyeen dalka Maraykanka oo ay dagaalka Iran ka dhanka ah la gali waayeen.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxwayne Trump uu qorshaynayo inuu goleyaasha kala duwan ee Maraykanka horgeeyo qaraar sheegaya in Nato uu ka boxo dalka Maraykanku, iyadoo maanta uu bartiisa bulshada soo dhigay in Green land ay tahay meel ku haboon uu maraykanku qaato, isagoo shaki galiyay qoraalkaasi in Maraykanku uu ka sii mid ahaani doono Quwadaha ku midoobay Nato.
Khasaare iyo Faa’iido maxay ku tahay Maraykanku inuu Nato ka boxo…?
Dalka Maraykanku inkastoo uu yahay quwada dunida dowladaha ka jira ugu tunka wayn ama ugu awooda badan, hadana talaabo kasta oo uu ku doonayo maraykanku inuu Nato kaga baxaa waxay noqon kartaa talaabo khasaare aan laga soo kaban karin gaadhsiini karta mustaqbalka Dalka Maraykanka, iyadoo xulufada Nato ay maraykanka siyaabo badan oo kala duwan isu kaashadaan, dhanka cududa ciidan dhaqaalaha iyo sii ahaanshaha booliska aduunka intaba.
Dhanka kale, waxaa la is waydiinayaa Iran codsiga iyo shuruudaha ay ku xidhay heshiiska ma noqon doonaan kuwo uu Maraykanku ku qanco oo markaas dhaqan gala mise mar kale ayaa madaxa la isla seegi doonaa.
Hoos ka daawo muuqaal dheer oo lagu lafa guray arrimahan oo dhan.
Ku xidhnow jigjiganews.com

Leave a Reply