Deg deg: Marwada koobaad ee Maraykanka MELANIA oo sheegtay in Epstien file ay…Read More

Deg deg: Marwada koobaad ee Maraykanka MELANIA oo sheegtay in Epstien file ay…Read More

Marwada koobaad ee dalka Maraykanka Melania Trump oo ka hadashay arrinka la xidhiidha fadeexadii Epstien files ayaa sheegtay in aysan haba yaraatee qayb ka ahayn arrinkaasi, meel lagaga soo heli karaana ayna jirin.

Melenia ayaa sheegtay in aysan iyadu xidhiidh la lahayn shaqsi ahaan ninkii lagu eedeeyay kufsiga ee xabsiga ku geeriyooday sanadkii 2019 kii iyadoo geerida ninkaas lagu tilmaamay mid uu ula kac isu dilay isagu.

Fadeexadan oo ahayd mid dunida oo dhan gaadhay ayaa laga helay dad fara badan oo dunida sumcad ku leh, balse qaar badan ayaa sheegay in arrinkaasi sumcad dil uu yahay ee aysan kamid ahayn kuwa wax lagu tuhmayo gaar ahaan fadeexada la sheegay in lagu fara xumeeyay boqolaal caruur ah oo gabdho ah.

Melania ayaa aad isaga fogaysay areinka la xidhiidha epstien files iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymaha dhankeeda loo jeediyay sidoo kalena sheegtay in u jeedka looga gol leeyahay uu yahay in sumcadeeda lagu dhaawoco ama wax loo dhimo sumcadeeda shaqsiga ah.

Ku xidhnow jigjiganews.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*