Daawo muuqaalka falanqaynta waraysigii Mustafe ee Axmaariga ku baxay…muuqaal xiiso badan

Daawo muuqaalka falanqaynta waraysigii Mustafe ee Axmaariga ku baxay…muuqaal xiiso badan

Waxaa todobaadyadii u danbeeyay baraha bulshada la wareejinayay muuqaalo hore oo ahaa wakhtigii ol olaha doorashadii hore oo uu jeediyay Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalidu.

Inkastoo maamulka dowlad deegaanku uu yahay maamul fadhiid ah oo ay hogaamiyaan masuuliyiin aragti gaaban, isla markaasna hal abuurka ka aradan, marka la dhaliilo abaarta ka haysata dhanka hal abuurkana isku qaada ka oohinta dhibaneyaashii jeelasha ka soo baxay iyo maamulkii hore, hadana arrinkan la wareejinayay ayaa ku saabsanaa arrin sax ah oo la xidhiidha aayo ka tashiga shacabka dowlad deegaanka hadii qoomiyadaha kala duwan ee wadanku wada socon kari waayaan, taas oo ahayd kaliya lacala hadii la kala tashado maxaad samayni doontaan.

Dhanka kale, muuqaalka ayaa ku saabsanaa calanka dowlad deegaankaa, iyadoo astaanta dowlad deegaanka la sudhayo markasta ay u madax banaan yihiin qoomiyadaha kala duwani iyadoo ay wali jirto astaanta qaran oo iyaduna sidoo kale u baahan in wax laga badalo, dhanka kale, dastuurka guud ee Federalka itoobiya ayaa sidoo kale u baahan in dib u eegid lagu sameeyo, isla markaasna wixii aan casrigan la jaan qaadi karin laga saaro, wixii anfacaya shacab waynaha dalka ee dowlad deegaanada kala duwani isku raacaana laga lagu soo darayo dastuurka cusub.

Hoos ka daawo muuqaalka

La soco maqaalo kale.

Ku xidhmow jigjiganews.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*