Amaanka Caasimada Dalka Pakistan oo aad loo sugay + wafti ku qul qulaya iyo sababta…Daawo muuqaalka

Indhaha caalamka oo dhan oo ku jeeda caasimada Pakistan ee Islamabad, Caasimada Islamabad oo amaankeed aad loo adkeeyay…

Maxay tahay sababtu…?
Maxaa dunida ka socda maalinta 42 aad kadib markuu bilowday dagaalka Iran iyo Maraykanku…?

Suaalaha maanta taagan ayaa ah, Ma colaado lagu hooban doono ayaa fooda inagu soo haya, mise Nabad iyo barwaaqo hor leh ayaa soo iftiimaya…? Si aad u hesho jawaaba suaalahan oo dhan, akhri qoraalka hoose kadibna, daawo muuqaalka hoose si aad u fahanto 42 maalmood kadib halka uu marayo xaalka dagaalka Bariga dhexe.

Dunida ayaa guud ahaanba galaysa waji cusub kadib dagaalka Iran iyo Maraykanka, warbixinta aan kula wadaagi doonaa waxay kuu soo koobi doontaa guud ahaan wararka maanta dunida ka jira iyo xogaha aad u baahan tahay inaad ka ogaato Dagaalada Bariga dhexe, Ukraine iyo Ruushka, Iran iyo maraykanka ilaa sucuudiga oo dadka u dhashay sucuudiga u dhiibaya shaqooyin ay qaban jireen ajaaniibtu iyo waliba sababta arrinkan keentay…

Kadib 42 cisho oo uu socday dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran, Dalka Pakistan ayaa dhexdhexaadinaya wada hadalo toos ah oo dhex mari doona Dalalka Maraykanka iyo Iran. Iyadoo Taliyaha ciidanka Pakistan Asim Munir uu yahay daadihiyaha wada hadaladan u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

Waftiga maraykanka uga qayb galaya wada hadalka ayaa waxaa kamid ah,
US- vice president Vance leads
Us middle east envoy- Steve Witkoff iyo wafti kale oo qayb ka ah wada hadalada ka dhici doona caasimada Pakistan ee Islamabad. Amniga caasimada Pakistan iyo guud ahaan dalka Pakistan ayaa si wayn loo ilaaliyay, iyadoo sidoo kale dalka la galiyau fasax guud mudada labada maalmood ah ee wada hadaladani ay soconi doonaan.

Dhanka Iran, waxaa wada hadalka ku matalaya af hayeenka baar lamaanka dalkaasi Iran iyo waliba Wasiirka arrimaha dibada- Abbas Araghchi iyo gudi ay hogaaminayaan oo la sheegay in kacaanka Iran ay si adag ugu kalsoonyihiin. Gudaha dalka Iran ayaa la arkayay dadwayne isu soo baxay oo baroor diiq u samaynaya hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee dalkaasi ee dhowaan duqaymaha in lagu dilay la sheegay.
Dowlada Iran ayaa sheegtay in dhamaan bangiyada Iran ay sabtida dib u bilaabi doonaan bixinta adeegyadii arrintaas oo la sheegay in ay tusaale fiican u tahay in wada hadaladu in ay guulaystaan laga yaabo. Bamgiyada ayaa la xidhay kadib markuu bilowday dagaalka Iran iyo maraykanku 42 maalmood ka hor.

Ra’iisulwasaaraha UK Keir Starmer ayaa ka dagay  caasimada dalka Qatar, isagoo booqashadan ku mari doona  dalal badan oo kamid ah dalalka Carabta, kuwaas oo ay kamid yihiin, Sucuudiga, baxrain iyo imaaraadka carabtu.

War kale oo xiiso badan ayaa sheegaya in Wasiirka gaashaan dhiga dalka UK oo balan cajiib ah qaaday kuna dhawaaqay arrin la xidhiidha difaaca dalalka Khaliijka, warkan oo aan ka soo xiganay wargaysyada dunida ugu afka dheer, ayaa sheegaya in u jeedka arrinkani yahay, kadib markii dalalka Carabtu ay dhowaan dareemeen in difaaca ay haystaani uuna ahayn mid la isku halayni karo.

Kadib 42 maalmood oo dagaal iyo marinada dunida shidaalka u badani maro oo xidhnaa, Hoos u dhac ku yimaada qiimaha shidaalka dunida ayaa la filayaa in uu markaasi mudo bilo badan ahqaadan doona, ka hor inta uuna shidaalku qiimihii caadiga ahaa ku soo laabanin.

Dhanka kale, qaar kamid ah dalalka shidaalku u maro Marinka Hormuz sida Dalka Japan ayaa ka fikiraya  sidii ay u heli lahaayeen meel aan Hormuz ahayn oo shidaal u soo mari karo, iyadoo talaabadan looga gol leeyahay in hadii mar kale marinkaasi xidhmo.

Kadib markii Iran ay shuruudaha heshiis la gaadho ku soo dartay heshiis lala galo Lubnaan, Ra’isulwasaaraha Israel Benjamin na tanyahu ayaa golihiisa wasiirada ugu baaqay in lubnaan sida ugu dhakhsaha badan wada hadal loola furo.

Hoos ka daawo muuqaalka faalada wararkan.

 

Ku xidhnow: jigjiganews.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*