Daawo muuqaalka falanqaynta Isbadalkii 2018 kii ee shalay loo dabaal dagay Itoobiya guud ahaan…

Daawo muuqaalka falanqaynta Isbadalkii 2018 kii ee shalay loo dabaal dagay Itoobiya guud ahaan…

Shalay oo ku beegbayd 2 dii bisha Afraad 2026 ka ayaa waxay ahayd maalin ku beegan wakhtigii xilka uu la wareegay Dr.Abiy Ahmed sanadkii 2018 kii.

Isbadalkan ayaa waxaa hadhreyay saddex caqabadood oo aad u adag, kuwaas oo kala ah,

1. Beesha caalamka oo Hailemariam ku cadaadisay inuu wax ka badalo arrinta ilaalinta xuquuqda aadamaha oo itooboya wakhtiguu Melez hogaaminayay haayado badani ay dunida u sheegeen in ku xad gudubka bani aadamka iyo dilku uu yahay mid ku badan gudaha dalka.

2. Arrinka labaad wuxuu ahaa cadaadis ka haystay dhanka gudaha, iyadoo qoomiyadaha dalka itoobiya ugu tirada badan oo ah Oromada iyo Amharadu ay si cad uga hor yimaadeen xukunkii EPRDF oo ay hormuud u ahayd Tplf kadib geeridii melez zenawi. Waxaa si wayn loo xasuustaa dhalin yaradii Oromia ee loo yaqaanay Qeero oo guud ahaan dalka itoobiya gil gilay, kuna furay dibad baxyo baaxad wayn lrh isla markaasna bilaabay in ay gacmaha is talaabiyaan, iyagoo dunida u sheegayay in ay ku jiraan xasbi dusha sare kaliya ka furan. Waxaa qayb ka noqday isbadalkaas, ciyaaryahankii ka qayb galayay tartamada caalamiga ah, iyadoo la arkayay orod yahanada reer itoobiya qaar kamid ah oo gacmaha is talaabinaya kadib markay guusha bilad dahab ah gacanta ku dhigeen. Dhanka kale, oromiya ayaa waxaa ka jiray dibad bax kale oo ahaa shaqo joohin, iyadoo marka laga tago in shacabku dariiqyada isugu soo baxaan, hadana markuu batay xabsigii iyo iska hor imaadkii laamaha amaanka iyo shacabkii muda haraadayay ayaa hadana la arkay iyagoo shacabkii reer Oromia ay shaqo joojin samaynayaan iyagoo guud ahaanba diiday in ay furaan suuqyada gacansiga ee laga dukaamaysto, taas oo dowlada ku noqotay caqabad kale oo xal u baahan. Kadib, beesha caalamka ayaa xal u aragtay in qoomiyada tirada badan ee oromada oo tabashooyin badan qabta qof ka soo jeeda xilka lagu wareejiyo, hadii kale aysan waxba hagaagaynin, taas oo ufu danbayn beesha caalamku ay ku cadaadisay hailemariam oo bilad ku qaatay inuu yahay ra’iisulwasaarihii u horeeyay ee itoobiyaan ah ee xilka si nabad ah ku wareejiyay.

 

3. Waxaa haystay cadaadis kaga imaanayay dhanka tplf oo doonaysay in uu sii ahaado maqaar saar aan awood badan lahayn, isagoo badalkeeda inuu taladooda raaco ku dadaalay inuu saraakiil cusub soo dalacsiiyo oo sargaal kasta oo meel joogay ama ciidamada xil ka hayay mid kale la soo simay.

Ugu danbayn, beesha caalamka ayaa hailemariam uu ka aqbalay inuu xilka ku wareejiyo Abiy oo markaa nasiib u hrlay inuu noqdo shaqsigii Oromia ka soo jrefay ee lagu dajiyo xaalada wadanka ee guud, sidaasna ku noqday Ra’iisulwasaaraha itoobiya, mudo 8 sano ahna sidaas xilka ku haya.

Hoos ka daawo muuqaalka koobaad

Inkastoo ay jireen caqabado waa wayn, walina ay jiraan caqabado xalin u baahan, hadana imaanshaha Abiy ayaa horseeday isbadalka dhanka bilicda caasimadaha ah iyo dadaal dhanka yaraynta faqriga ah, iyadoo dhanka kale xoriyada shaqsigu ay sare u kacday. Waxaa markii u horaysay gudaha dalka itoobiya ka suurto gashay in muwaadinka dalka u dhashay dowlada dhaliili karo, ka caban karo isla markaasna uu gudaha dalka sii joogi karo isagoon cabsi qabin.

Hoos ka daawo muuqaalka.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*