Jigjiga arrin naxdin leh oo ka dhacday…Read More
Wararka aan ka helayno magaalada Jigjiga ee xarunta dowlada deegaanka Soomaalida ayaa sheegaysa in gabadh yar la waayay mudo dheer bari ah, kadibna gabadhii yarayd oo mayd ah la soo dhigay albaabka xaafada ehelkii gabadha dhalay.
Sida laga soo xigtay ehelka gabadha, warar dheeraad ah ayaa sheegaya in gabadha yar la kufsaday kadibna si arxan darro ah loo dilay, laguna soo dul qoray anaga ayaa dilnay inkastoo jigjiganews aysan helin xogta cida sheeganaysa dilka gabadhan yar loo gaystay. Gabadhan yar ayaa la sheegay in lagu magacaabo sihan cismaan, waana arrin aad looga argagoxo oo aan ku cusbayn jigjiga baryahan danbe.
Dhacdooyinka caruurta lagu dilayo kadibna maydkooda la soo tuurayo ayaa ah arrin ku cusub jigjiga baryahan danbe iyadoo baadhitaan rasmi ah arrinkani u baahanyahay.
La soco warar sugan.


Leave a Reply