Maxaa ka socda Baydhabo wakhtigan…?
Waxaa dhacay dagaalkji u horeeyay ee dowlada Federalka Somalia ay kaga hor tagayso maamulka cusub ee koonfur galbeed Somalia, dagaalkan oo ka socda Meel u dhow magaalada Baydhabo, balse dhinacyada ayaa guulo kala sheeganaya, iyadoo xaqiiqada jirtaa ay tahay in ciidamo soomaaliyeed ay halkaasi ku dhimanayaan, taas oo laga maarmi karay.
Waxaa sanadihii u danbeeyay Somalia ku badnaa colaadaha soo noq noqda ee dowlada Federalka Iyo kuwa gobolada u dhexeeya, iyadoo markasta dagaaladaasi ay ku soo dhamaadaan wada hadal iyo miis dushii, waxaana markasta geerida iyo dhaawaca wajaha ciidamadii loo soo wada carbiyay in ay dalka Somalia ciidan qaran u noqdaan, taas oo wiiqaysa cududii ciidan ee dalka Somalia uu yeelan lahaa, isla markaasna dhantaalaysa hana qaadka xasilooni iyo nabad waarta.
Warar dheeraad ah hoos ka akhriso.

Leave a Reply