Deg deg: dagaal hada ka bilowday meel u dhow Baydhabo…

Deg deg: dagaal hada ka bilowday meel u dhow Baydhabo…

Warka naga soo gaadhaya Deegaanada Maamulka Koonfur galbeed Somalia, gaar ahaan aaga magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in hada uu dagaal u dhexeeya kuwa Maamulka Koonfur galbeed iyo Dowlada Federalku ka bilwoday meel u dhow magaalada Baydhabo.

 

Warka ayaa intaas ku daraya in ciidanada Dowlada Federalka Somalia ay dagaalka iyo xabada bilaabeen, iyadoo halkaas maalmihii u danbeeyay ay ka jirtay xiisad u dhexeysa maamulka uu hogaamiyo Cabdicaziz Xasan Lafta Gareen iyo dowlada Federalka Somalia oo uu hogaamiyo Xasan sheikh Maxamuud.

Muranka iyo isfahan darada ayaa salka ku haysa damac xukun iyo dib u soo noqosho doorasho. Lafta gareen ayaa doonayay inuu soo laabto, halka Madaxwayne Xasan sheikh Maxamuud oo sidoo kale doonaya inuu mar saddexaad isa soo sharaxaa dantiisa ka dhex arki waayay hogaaminta lafta gareen.

Ma aha dagaalkii ugu horeeyay ee dhex mara dowlada Federalka Somalia iyo maamul goboleed, waxaa horay laba furimood oo kala duwan ugu dagaalamaya maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federalka ah.

Dhanka kale, dowlada Federalka ah iyo maamulka Koonfur galbeed ayaa is waydaarsaday eedayn iyo isku riixa Alshabaab, iyadoo ay horay u ahaayeen kuwa wada shaqayn buuxda leh, barina laga yaabo in ay heshiiyaan xasan iyo lafta gareen. Isku eedaynta kooxaha argagixisada ah ee dhex marta madaxda Soomaalida ayaa keeni karta tuhun aan fiicnayn, iyadoo suaalo badan la iska waydiini karo eedaymihii hore iyo halkay ku danbeeyeen iyadoo suaal la galin karo eedaymaha danbe oo dhan.

Xaalada magaalada baydhabo ayaa la sheegay in waxkasta ay isbadaleen kadib markii dagaalkani ka qarxay meel u dhow ama ah duleedka magaalada Baydho.

La soco wixii ka soo kordha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*