Daawo Sababta ay Dowlad federalka Somalia Waajib ugu tahay in aysan weerarin Koonfur Galbeed…?
Waxaa maalmihii u danbeeyay sare u kacayay xiisada u dhexaysa Maamulka koonfur galbeed iyo dowlada Federalka Somalia oo doonaysa in ay hor istaagto doorashada cabdi caziiz Xasan lafta gareen inuu mar kale doorasho qabsado isla markaasna soo laabto mar kale.
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa doorashadiisii maanta qabsaday isagoo guud ahaan xubnihii dowladiisa doortay isla markaasna doorashu ay tahay mid hada dhamaatay.
Hadaba dowlada Federalka Somalia, waxaa waajib ku ah in ay hakiso colaad kasta oo lagu qaadi lahaa maamulka Koonfur galbeed, sababaha soo socda dartood.
Dhanka kale, xal uma aha dalka Somalia in dowlada Federalka Somalia ay gaashaanka u daruurto doorashada lafta gareen, iyadoo sidoo kale talaabadan laga dhex arkayo in maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug sidoo kale fariin looga dhiayo dharbaaxada hada ku socota baydhabo iyo maamulka Lafta gareen, maadaamo ay doorashooyinkoodu soo dhowaadeen, iyadoo dowlada Federalka Somalia guul kasta oo ay ka gaadho baydhabo ay noqon doonto mid go’aamin doonta hab dhaqanka ka imaani kara Koonfur Hirshabbelle iyo Galmudug.
Ku xidhnow jigjiganews.com
1. Maxaa laga bartay dagaalka Jubbaland lagubqaaday ee Raaskaambooni?
2. Maxaa laga bartay dagaalkii jubbaland lagu qaaday wajigii labaad ee Gedo lagu qaaday?
3. Khasaaraha ka dhalan kara dagaalka oo keenaya dhimashada ciidan ay dowlada Federalka ahi wada leedahay oo midna dowlad deegaanka ka howl galo midna Federalka, taas oo halis ku ah qaranimada Somalia oo beeraysa nacayb sokeeye oo laga maarmi karo.
Hoos kadaawo muuqaal faah faahsan oo arrinkan la xidhiidha.

Leave a Reply