Daawo hadaad caaqil tahay oo kaliya, hadii kale iska dhaaf: Garsoorka iyo faalada Hadalka Cadaani Hirmooge iyo Mustafe…
Waxaa sanadihii 2019 kii ilaa 2020 kii doodo adag oo kala duwan oo aan isku meel la joogini dhex martay afhayeenka ururka Onlf Cadaani Hirmooge iyo Madaxwaynaha Deegaanka Mustafe.
Doodahan oo ahaa doodo isu jawaab celin ah ayaa waxay si dadban u dhex martay masuuliyiintan, iyadoo arrinta aan maanta soo qaadan doonaa ay ahayd markii uu Cadaani Soo jeediyay in Wixii shacabka deegaanka dhib ka dhacay ee dad Soomaali ahi ay gaysteen cafis guud lagu dhaafo, loona aqoonsado dhibaato ehli ah.
Hadaba, faalo iyo falanqayn xeel dheer hoos ka daawo, hadii aad qof xikmad u saaxiib ah tahay waxaad fahmi doontaa nuxurka muuqaalka, hadii kale ha daawan ee iska dhaaf, sababtoo ah inaad ku wareerto ayaa laga yaabaa.
Sanadkii 2018 kii, markuu isbadalku dhacay laba arrimood kaliya ayaa furnaa, midi waxay ahayd mid aan guul laga gaadhaynin, shacabka deegaankana u horseedi karta, waana in isla xisaabtan la bilaabo. Jidka labaad wuxuu ahaa in cafis guud lagaga gudbo wixii dhacay isla markaasna Umada mustaqbalkeeda hada laga shqqreyo sidii ay u hano qaadi lahayd, umadaha dalka iyo kuwa dunidana ula jaan qaadi lahayd.
Muuqaalka Hoose waa qaybta 1aad ee faalada arrinkan.
Muuqaalka faalada arrinka kor ku xusan qaybta 2aad hoos ka daawo.

Leave a Reply