Deg deg: Greece ka oo sheegay inuu talaabo dhanka difaaca ah qaadi doono…Read More

Deg deg: Greece ka oo sheegay inuu talaabo dhanka difaaca ah qaadi doono…Read More

Dalka Greega ayaa sheegay in uu sare u qaadayo nidaamkiisa difaaca ee dhanka cirka isagoo sidoo kale sheegay in uu sare u qaadi doonto diyaaradaha casriga ah ee F-16 ka ee dalkaasi uu haysto. Gudi ay dowlada Giriigu u saartay arrimahan ayaa isniintii go’aan soo saaray go’aankaas oo lagu sheegay in nidaamka difaaca ee diyaaradaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo ansixiyay cadad dhaqaale dhan saddex Billyan oo lacagta Euro da ee reer yurub ah,

Dalka Giriiga ayaa la sheegay in uu wada hadal kula jiro Israel si ay uga soo iibsadaan nidaamka difaaca ee Doomka ee loo yaqaano Achilles sheild. Arrinkan ayaa muujinaya sida dunida dalalka ku yaalaa ay isugu diyaarinayaan in ay si wanaagsan u dhisaan difaaca iyo ciidankooda, wakhti dunidu ay ku sii siqayso hubanti la’aan amni kadib markii ay hoos u dhacday kaalintii golaha amaanka ee qaramada midoobay  ku lahayd dhex dhexaadinta iyo xalinta xasaradaha dunida.

ku xidhnow: jigjiganews.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*