Kenya oo sheegtay go’aan dadka Kenya ka mamnuucaya kamid noqoshada…Read More
War bixin lagu daabacaya bogaga war baahinta Kenya ayaa lagu sheegay in shacabka Kenyan ka ah aan loo ogolayn in ay kamid noqdaan ciidamada dalka Ruushka ama Sovietiga waa sida hadalka loo dhigaye.
talaabadan ayaa imaanaysa kadib markoo maanta ay wada hadal dheer yeesheen wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ruushka Sergey Lavro iyo wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Kenya Musalia Mudavadi iyadoo kulan kaasi uu ka dhacay magaalada Moscow ee ah caasimada dalka Ruushka.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ruushka ayaa sheegay in dadka Kenyan ka ahi ay si xor ah oo sharciga Ruushka waafaqsan isaga diiwaan galiyeen goobaha ciidamada laga qoro, sidaasna ay ku qorteen qaar kamid ah kuwa iskood isu keenay ee kenyanka ah, balse Mudavadi ayaa sheegay in ay dowladiisu ku dadaali doonto sidii ay ciidamada is qoray dib ugu soo dhoofiso dalka Kenya.
Dataalka Ruushka iyo Ukraine ayaa noqday kamid ah dagaalada qarnigan ugu dabada dheer iyadoo colaadaasi ay madaxa la sii gakayso shan sanadood.
Warar sugan kala soco jigjiganews.com

Leave a Reply