Arrin uu Madaxwaynah maraykanu shregay oo Ay Iran iska fogaysa…Read More
Madaxwayanaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay wada hadal si ay u hesho xabad joojin, balse hadalkaas ayaa waxaa iska diiday oo iska fogeeyay wasiirka Ariimaha dibada ee Iran Abbas, isagoo sheegay in aysan codsanin xabad joojin, sidoo kalena aysan dalbanin wada hadal, balse ay taas badalkeeda diyaar u yihiin in ay isdifaacaan ilaa intii loo baahdo.
Maxaa dhacay maanta?
Israel ayaa weeraro duqaymo ah ku qaaday maanta gudaha dalka Iran, iyadoo ay Iran dhankeeda sheegtay in ay iska difaaceen waxa ay ugu yeedheen weeraro cadow hawada Iran soo galay ay iskaga caabiyeen. Iran, ayaa sheegtay in maanta duqaymihii Tehran laga fuliyay lagu bar tilmaameedsaday goob caafimaad iyo goob gargaarka bani aadamnimo looga fidinayay shacabka ku wax yeelooba dagaalka.
Waxaa maalinkii 17 aad soconaya dagaalka u dhexeeya Iran oo dhinac ah iyo Maraykanka iyo Israel oo dhinac ah. Colaadan ayaa saamaysay maciishada aduunka kadib markii ay Iran xidhay marinka Hormuz oo ah marin ay maraan maraakiibta shidaalka aduunka 20% kamid ah.
Imaaraadka carabta ayaa wali maanta duqaymo lala beegsaday iyadoo meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magalaada Dubai meel aan ka dheerayn ay ku dheceen duqaymo sababay dab iyo olol wayn oo keenay in diyaaradaha la hakiyo mudo si ku meel gaadh ah. Imaaraadka ayaa wajahay duqaymihii ugu badnaa iyagoon qayb ka ahayn dagaalkii u dhexeeyay dhinacyada dagaalamayay.
Boqortooyada sucuudiga ayaa iyaduna wali qabanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo kaga imaanaya dhanka iran, kuwaas oo wali halis wayn ku haya dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Jigjiganews.com, kala soco warar sugan.

Leave a Reply