Deg deg: Iran oo looga cabsi qabo in ay heshay Gantaalka Courier killer Missile+wararkii u danbeeyay ee bariga dhexe…Read More

Deg deg: Iran oo looga cabsi qabo in ay heshay Gantaalka Courier killer Missile+wararkii u danbeeyay ee bariga dhexe…Read More

Dalka Iran ayaa la sheegayaa in uu helay gantaalaha loo yaqaano Courier killer Missile ee uu sameeyo dalka Shiinuhu, gantaalkaas oo la sheegay in uu yahay gantaal gabi ahaanba badali kara jawiga colaada ka aloosan bariga dhexe. Gantaalkan ayaa la sheegay in uu yahay gantaal lagu duqeeyo maraakiibta diyaaradaha iyo gantaalada xambaara ee ridada dheer, kuwaas oo la sheegay in ay ku socdaan joog aad u hooseeya taasina ay sababi karto in maraakiibtu aysan iska difaacin sidoo kale Iran ayaa waxay tuurtaa gantaalo tiro beel ah si ay uga qaalib noqoto difaaca maraakiibta.

Dhanka kale, Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dhowaan uu soo dhamaani doono dagaalka Iran isagoo sheegay in awooda maraykanku ay tahay mid aan wax la bar bar dhigaa jirin waa siduu hadalka u dhigaye. Ra’iisulwasaaraha Israel oo warbaahinta ka hadlay oo jeediyay qudbad uu u jeediyay dalkiisa ayaa wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Israel ay gaadheen guul waa siduu hadalka u dhigaye, isla markaasna caawa uu yahay habeen taariikhi ah oo la xusi doono. Wuxuu sheegay in Iran iyo xulufada la jirta sida kooxaha lebnon ka dagaalamaya ay garaaceen isla markaasna ay cashar lama ilaawaan ah ay u dhigeen waa erayadaan ka soo xiganaye.

Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*