Daawo War hada Soo dhacay: Sucuudiga oo dhoofinaya Shidaalkii Abid ugu badnaa+ Xagee la marinayaa…? READ more

Daawo War hada Soo dhacay: Sucuudiga oo dhoofinaya Shidaalkii Abid ugu badnaa+ Xagee la marinayaa…? Read More

Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ay dhoofinayso abid shidaalkii ugu badnaa wakhti ay bariga dhexe ka socdaan dagaalo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran. Warkan oo lagu soo daabacay dhamaan warbaahinta caalamka ayaa sheegaya in bishii la soo dhoofay Sucuudigu uu kordhiyay wax soo saarkiisa Shidaalka ee maalinlaha ah, isagoo sheegay in uu maalinkasta sucuudigu soo saari jiray 1.1 milyan oo foosto oo shidaal ah.

Bishan March ee aan ku jirno ayaa la rajaynayaa in Sucuudigu uu dhoofin doono shidaalkii ugu badnaa abid, isagoo sucuudigu sheegay in hada 11 kii maalmood ee la soo dhaafay Sucuudigu uu maalinkii soo saarayay 2.2 malyan oo foosto oo shidaal ah, iyagoo sucuudiyaanku sheegay in ay 37 markab oo kuwa shidaalka qaada ahi mar hore safarka bilaabeen, halka 40 markab oo kalena ay hada safarkoodii bilaabayaan.

Sucuudiga ayaa sheegay in ay awoodaan in ay soo saaraan ilaa 7 malyan oo foosto maalintii hadii loo baahdo, si loo dhimo dunida shidaalka laga isticmaalaa inuu saee u koco oo xadhkaha goosto. Arrinkan ayaa imaanaya kadib markii uu xidhmay marinka hormuz oo ay Iran xidhatay, talaabadaas oo dunida oo fhan ka abuurtay hubanti la’aan shidaal oo keentay in qiimaha shidaalku uu kordho saddex jibaar.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa shregtay in shidaalkan ay marini doonaan bada cas gaar ahaan Marinka Yunbu oo markaasi haatan ah mid amaan ah oo la isticmaali karo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Ku xidhnow: jigjiganews.com

Si aad u hesho warar sugan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*