War hada soo dhacay: Ukraine oo dalalka Batiga dhexe siinaysa Hub ay iskaga difaacaan Drones ka Iran…Faah faahin
Dalka Urkaine ayaa markii u horaysay ka hadlay doorka ay ku yeelan karto dagaalka ka socda Bariga dhexe, iyadoo Ukraine Sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dhanka qabashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka caawiso dalalka Bariga dhexe.
Ukraine, ayaa sheegtay in sanado badan lagu duqaynayay dalkeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahiid iyo noocyo kale, kuwaas oo ay si wanaagsan u darseen qaabka looga hortago iyagoo reer Ukraine Sheegay in ay samaysteen drone kale oo qiino jaban lagu sameeyo isla markaasna si toos ah dhulka u soo dhigi jara drones ka ay Iran Farsamayso.
Ukraine ayaa doonaysa in ay dalka Jordan u xulato dalka u horeeya ee helaya drones ka Ukraine lagu sameeyo iyo khuburo isticmaalkooda ka caawisa dalkaasi Jordan.
Hadii mashruucani uu guulaysto, Ukraine ayaa dhaqaale ka samayni doonta colaada Iran ka socota, iyadoo dalka Ruushka oo ay si wayn isu hayaan Ukraine shantii sano ee la soo dhaafayna dagaal aad darani ka dhexeeyay uu fursad dhaqaale ka helayo dhoofinta Shidaalka uu dalkaasi Ruushku qaniga ku yahay, iyadoo mudo ay cuno qabatayni saarnayd.
Dalka Ruushka ayaa noqonaya dalkii ugu horeeyay ee si toos ah uga faa’iidaya colaada Iran, isagoo dunida oo dhani ay u baahan doonto shidaalkiisa, si loo dhimo qiimaha shidaalka dunida ee kor u sii kacaya maalinba maalinka ka danbaysa.
Hoos ka daawo muuqaalka
Ku xidhnow: jigjiganews.com

Leave a Reply