Daawo: Wararkii u danbeeyay ee Iran iyo Maraykanka dagaalka u dhexeeya…
Wali waxaa halkoodii ka sii socda duqaymihii ay dalka Marayka iyo Israel ku wadeen gudaha dalka Iran iyagoo wali beegsanaya goobaha gantaalaha, xarumaha nuclearka lagu bacrimiyo iyo xarumaha ciidanka kacaanka Iran, halka sidoo kale la beegsanayo xarumaha shidaalka iyo hogaamiyeyaasha Iran.
Iran, ayaa iyaduna dhankeeda wali sii wada duqaymihii ay ku harqibaysay dalalka khaliijka, iyadoo la sheegay in ay guud ahaan xarumihii ciidamada Maraykanku ay ku lahaayeen bariga dhexe ka dhigay wax ay burburiyeen iyo wax ay gantaalo la beegsadeen.
Madaxwayne Donald Trump ayaa mar uu dagaalka Iran ka hadlayay wuxuu sheegay in ay Iran tahay qolo madax adag, oo aan is dhiibaynin, inkastoo si adag loo duqeeyay, balse wuxuu marar kala duwan ku soo cel celiyay, hadii uuna ayna isdhiibin Iran in ay ku sii wadi doonaan gantaalaha ay la beegsanayaan goobaha gantaalaha lagu kaydiyo, kuwa lagu sameeyo iyo waliba goobaha ay ku rakibanyihiin ee laga soo ridayo.
Iran, ayaan ilaa hada u muuqanin mid isdhiibaysa, iyadoo maalin kasta la soo baxaysa gantaalao horleh oo ka casrisan kuwii hore ee ay ku dagaal galayeen, isla markaasna ku hanjabaya in wali aysan isticmaalin gantaalaha ugu halista badan ee gacantooda ku jira.
Hoos ka daawo muuqaalka
La soco warar sugan, sheekooyin xiiso leh iyo maqaalo arrimaha Bulshada ku saabsan oo waxtar ah.
Ku xihdnow: jigjiganews.com

Leave a Reply