Deg deg: Australia oo war ka soo saartay Bariga dhexe + Diyaarado dagaal oo ay…Read More

Deg deg: Australia oo war ka soo saartay Bariga dhexe + Diyaarado dagaal oo ay…Read More

Dowlada Auatralia ayaa sheegtay in ay diyaaradaha dagaalka u diri doonto dalka Imaaraadka Carabta si looga difaaco gantaalaha ay Iran ku soo tuurayso dalkaasi. Arrinkan ayaa imaanaya kadib markii dagaal ay Maraykanka iyo Israel ku qaadeen dalka Iran toban maalmood ka hor, weerarkaas oo u jeedkiisu yahay sidii Iran loogu samayni lahaa isbadal hogaamineed, loo wiiqi lahaa bacriminta hubkeeda nuclear ka iyo in xarumaha sawaariikhda la beegsado si Iran ay ugu hogaan santo dalabyada ka imaanaya dalka Maraykanka.

Australia ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamo iyo gantaalo ay gayni doonaan dalalka gacanka khaliijka si ay difaaca dalalkan qayb uga noqdaan. Australia ayaa sheegtay in ilaa 2600 oo qof ay ka soo bexeen dalalka bariga dhexe, balse ay jiraan kuwo badan oo wali ku xaniban gudaha dalalka Bariga dhexe.

Daawo muuqaal xiiso badan

 

 

Ku xidhnow jigjiganews

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*