Deg deg: Madaxwaynaha Ruudhka Putin oo hadal yaab leh jeediyaay + fursadaha uu ka dhex arkay colaada Iran…Read More
Warar hada soo dhacay ayaa sheegaya in dalka Ruushku uu fursad aad u qiimo badan ka helay dagaalka Iran iyo maraykanka. Madaxwaynaha Ruushak Vladamir Putin oo la hadlayay warbaahinta isla dalkaasi Ruushka ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirkadaha Ruushku ay ka faa’iidaystaan fursada ganacsi ee u soo banaanaatay dalkiisa, isagoo shirkafaha ku amray in ay shidaalka dalka Ruushka dhoofiyaan.
Madaxwaynaha dalka Ruushka ayaa sheegay in uu hal shardi oo kaliya ku xidhayo in shidaalka Ruushka laga iibiyay dalalka qaarada Yurub. Shardigaas oo uu ku sheegay in ay tahay, in Ruushka ay u balan qaadaan in ganacsiga shidaalka ee loo furayaa uu noqdo mid mudo dheer soconaya, balse aan si ku meel gaadh ah reer Yurub looga iibin doonan shidaalka.
Dalalka Yurub ayaa shidaalka Ruushka gabi ahaanba iska xanibay kadib markii uu weeraray dalka Ukraine, iyadoo la sheegay in u jeedku ahaa in uuna Ruushku helin dhaqaale uu ku weeraro dalka Ukraine. Waxaa la xidhay wakhtigaasi tuubooyinkii shidaalka qaadi jiray ee sii mari jiray Ukraine. Svokia iyo Hungry, halkaas ay Yurub ka gali jireen.
Ruushka ayaa arrinkan u arka fursad dahabi ah oo uu kaga faa’iidaysani karo xaalada jirta isagoo shidaalkiisa u dhoofinaya dalalka Yurub wakhti uu gabi ahaanba xidhan yahay marinka Hormuz.
Dalka Ruushka ayaa dalalka G7 ugu baaqay in si loo dhimo qiimaha shidaalka ee dunida, ay muhiim tahay in shidaalka Ruushka cuno qabataynta laga qaado, isla markaasna la dhoofiyo. Shidaalka dalka Ruushka ayaa axad la soo dhaafay oo kaliya sare u kacay qiimo ahaan ilaa boqolkiiba sodon, taas oo wali kor u sii socota.
Hoos ka daawo muuqaalka
Ku xidhnow jigjiganews.com
Nagala soo xidhiidh: jigjiganews1@gmail.com
Your partner for reliable news updates.


Leave a Reply