War hada soo dhacay: Woqooyiga Korea oo Tijaabisay Gantaal cusub.. Read More
War hada soo dhacay oo aan ka soo xiganay warbaahinta Aljazeera ayaa sheegaya in madaxwaynaha dalka Woqooyiga Korea Kim Jon Un uu maanta kormeer ku sameeyay maraakiib dalkiisu leeyahay oo tijaabinayay gantaalaha balistic misile ka loo yaqaano ee ridada dheer iyo mida dhexe.
Markabkan oo ahaa 5,000 oo tan ayaa la sheegay inuu yahay kuwa hubka xambaara magiciisana la yidhaahdo Choe Hyon ayay wararku sheegayaan in uu Kim Jong Un codsaday in iyagoo tiro ahaan badan la sameeyo.
Arrinkan ayaa imaanaya wakhti dunidu ay marxalad adag sii galayso isla markaasna dagaalka Iran iyo maraykanku uu marayo marxalad bariga dhexe uu gabi ahaanba galay xaalad adag oo hubanti la’aan ah.
Hoos ka daawo muuqaal ku saabsan dagaalka Iran iyo Maraykanka.
Ku xidhnow: jigjiganews.com


Leave a Reply