Daawo: Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo sheegay qofkii dastuurka cusub diidaa inuu yahay dambiile qaran…

Daawo: Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo sheegay qofkii dastuurka cusub diidaa inuu yahay dambiile qaran…

 

Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Federalka Somalia ayaa sheegay in dastuurka la ansixiyay uu yahay guul qaran oo u soo hayatahay dowlada Federalka Somalia.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa wuxuu si wayn farta ugu fiiqay muhiimada ay leedahay in la ayido dastuurka cusub ee la dhamays tiray. Gudoomiye Adan Madoobe ayaa waxaa hadalkiisa kamid ahaa, “qofkii dastuurka la ansixiyay diidaa waa danbiile qaran”, hadalkaas oo ay dad badani baraha bulshada siyaabo kala duwan uga fal celiyeen.

Dastuurka la ansixiyay ayaa ah mid ay ka maqanyihiin Puntland iyo Jubbaland iyadoo Somaliland ay dhankeeda wali ku adkaysanayso in ay doonayso in ay dal gooni ah noqoto.

Hadaba, suaasha jawaabta loo waayay ayaa waxay tahay, dastuurka haba la ansixiyee dowlada Federalka Somalia sow ma haboonayn in dastuurka ay ka dhiiciso madaxda labadan maamul goboleed, si markaas uu u noqdo dastuur wada ogol lagu ansixiyay.

Hoos ka daawo muuqaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*