Sida uu sheegay xog haya dalka Maraykanka Pete Hegseth laamaha amaanka ayaa toogasho ku dilay nin la Iran u dhashay oo la sheegay inuu isku dayay inuu dilo Donald Trump sanadkii 2024 kii.
Xoghayaha Maraykanka ayaa sheegay jn mid kamid ah sababaha uu Maraykanku u weeraray Iran ay tahay in Iran ay isku dayday in khaarajiso ama disho saraakiisha Maraykanka ah, gaar ahaan Madaxwayne Trump in ay si joogto ah isugy dayeen in ay shirqoolaan Isla markaasna dilaan.
Xoghayaha Maraykanka ayaa sheegay in isku dayga dilka ee Donald Trump ay sabab u tahay in Maraykanku horay duqayn ula beegsaday General Qassim Sulemani oo ahaa sargaal ka tirsan kacaanka Iran.
Dhanka kale, waxaa wali halkoodii ka sii soconaya dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, iyadoo labada dhinac ay si wayn isu duqaynayaan, Iran ayaa wali gantaalo ku harqinaysa guud ahaan magaalooyinka bariga dhexe, iyadoo Iran gantaalo tiro beel tuuraysa si ay u khal khaliso ama u culaysiso nidaamka difaaca isla markaasna gantaaluhu ay ugu gudbaan goobta lala beegsaday.
Caawa baxrain ayaa la beegsaday xarunteedii ugu waynayd ee kaydka shidaalka dalkaasi iyadoo la arkayay goobta kaydka oo olol iyo uuro qiiq ahi is xidhay.
Hoos ka daawo muuqaal faah faahsan.

Leave a Reply