Wararkii u danbeeyay ee xaalada Bariga dhexe ka taagan…Read amore

Wararkii u danbeeyay ee xaalada Bariga dhexe ka taagan…Read amore

Sida ay xaqiijinayaan wararka aanu ka helay dalalka Bariga dhexe, waxaa duqaymo lala beegsaday safaarada Maraykanka ee ku taala gudaha dalka boqortooyada Sucuudiga gaar ahaan caasimada Riyadh, duqaymahaas oo la sheegay in loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (unmanned drones), warkan oo uu saaka xaqiijiyay wasiirka difaaca ee boqortooyada sucuudi Carabiya.

Sida lagu xaqiijiya warbixintan, duqaymaha ayaa gaystay khasaare fudud oo aan sidaas u waynayn. Iran ayaa dalalka khaliijka u qaybisay gantaalo tiro beel ah kadib markii uu dalka Maraykanky weerar ku qaaday dalka Iran.

War kale oo aan ka helayno dhanka dalka Spain ayaa sheegaya in Spain ay gabi ahaanba diiday in ay ogolaato in Maraykanku ka samaysto saldhig laga duqeeyo dalka Iran.

dalka Ciraaq kooxo, kooxo shiico ah ayaa Daroon ku weeraray hotel ku yaal Erbil, siday sheegeen waxaa halkaas deganaa askar Maraykan ah.

Ciraaq ayaa horay  u sheegtay in dagaalku usoo gaadhay si aan la filayn. Dhanka kale, waxaa muuqata in Maraykanka meelo badan ay kooxo ka cadhaysan duqaynta Iran ku weerarayaan.

Khasaaraha dhaqaale ee soo gaadhay dalalka khaliijka ayaa la sheegay in uu yahay mid aad u sareeya, iyadoo la sheegay in imaaraadka kaliya ay lumiyeen ilaa 5 Billion dollar dhowrkii maalmood ee dagaalku socday.

Hoos ka daawo muuqaalka

La soco warar sugan, ku xidhnow: jigjiganews.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*