Wararkii u danbeeyay ee bariga dhexe…Read More

Canada waxay xirtay safaaradeedii Riyad, waxay u muuqataa inay Sacuudiga arrintu kusii adkaanayso oo ay noqotay furin dagaal, waxaas oo dhan waxaa usabab ah, saldhigyada Maraykanka ee halkaas ku yaalla.

 

Ra’iisulwasaaraha Israel Netanyahu ayaa sheegay in aan goobaha hubka sida wayn wax u gumaada ee nukleerka kagu bacrimiyo iyo gantaalada dalkaasi Iran maaro loo heleen, isla markaasna aan laba gaadheen haddii la sii joogi lahaa dhawr bilood oo aan la weerari lahayn.

 

Hadalkiisa waxaa ka muuqda in uu doonayo in uu dunida u tusiyo inay Iraan halis ku aheed aduunka dhan.

 

Waxaa muuqata in uu dagaalka Iraan u doonayo xulufo ka badan inta uu hadda haysto. Iran ayadu dagaalka waxay ku tahay kali, wax garab u ahna ma jiraan sida muuqata.

 

Dalka Shiinaha ayaa la sheegay inuu Iran kala xaalayo Marinkii Hormuz oo ahaa marin muhiim u ah maraakiibta dunida oo dhan iyo isha maraakiibta dunidu isaga gooshaan oo ay Iran sheegtay in ay xidhay, iyadoo la sheegay ib shiinuhu doonayo in la furo marinkaasi.

 

Shaqaalaha Safaarada Maraykanka ee Israel ayaa la sheegay in dowlada Maraykanku ay ku war galisay in qaab loo daad gurayni karaa uusan hada muuqanin, iyadoo gantaalaha Iran ay guud ahaan bariga dhexe ku tuuraysaa ay sida roobka oo kale u socdaan.

Dhanka kale, war maraykanku mar dhow soo saaray ayuu ku sheegay in ay gabi ahaanba burburiyeen xuruntii taliska ee ciidanka Iran, sheegashada Maraykanka ayaa imaanaysa wakhti duqaymaha ka dhanka ah Iran ay si xowli ah ugu socdaan caasimada Iran ee Tehran.

Waxaa cirka isku shareeray qiimaha dahabka iyo shidaalka, tan iyo intuu bilowday dagaalka Iran ka dhanka ahi, iyadoo Iran ay bar tilmaameedsatay goobaha Shidaalka ee dalka Qatar.

Iran ayaa dhimashada ku sheegtay in ay gaadhayso 550 tan iyo intuu bilowday dagaalku, halka ay jiraan dhaawacyo tiro badani, iyadoo dadka geeriyooday la sheegay in uu ku jiro hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee dalkaasi Iran ayatollah khuameini.

Hoos ka daawo muuqaalka

Ku xidhnow: jigjiganews.com si aad u hesho warar sugan, madadaalo iyo sheekooyin xiiso leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*