Deg deg, Daawo: wararkii u danbeeyay ee Dagaalka US iyo Iran iyo Pakistan oo…Read More.
Wararkii u danbeeyay ee dagaalka ka socda Bariga dhexe ayaa ka sii daraya iyadoo ilaa iyo hada xaaladu ay faraha ka sii baxayso, isla markaasna la arkayo gantaalaha sida roobka u socda ee iswaydaaranaya guud ahaan bariga dhexe.
Caasimada dalka Iran ee Tehran, ayay ilaa hada ku hoobanayaan gantaalaha laga tuuro diyaaradaha iyo maraakiibta ee ay soo ridayaan xulafada Maraykanka iyo Maraykanku.
Dowlada kacaanka ah ee Iran ayaa dhankeeda aan dab yar shidaynin oo gudaha Israel iyo dalalka khaliijka ku hurguftay gantaalo hypersonic ah oo sida la sheegay Mac 15 ah oo xambaara madaxyo dheeraad ah.
Guud ahaan bariga dhexe ayaa ah mid holcaya maalintii afraad, iyadoo ayna jirin wax waan waan ah iyo wax isu tanaasul ah oo haba yaraatee ka dhex socda dhinacyada dagaalku dhex marayo.
Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka sergey ayaa sheegay in culayska la saaray Iran uu keeni karo in ay cadho u samaysato hubka sida wayn wax u gumaada ee haatan lagala dagaalamayo.
Shiinaha ayaa dhankiisa sheegay in uu si wayn uga soo horjeedo dagaalka ka soconaya bariga dhexe, iyadoo wasiirka arrimaha dibada ee Shiinuhu uu xidhiidh la sameeyay maanta dhigiisa Israel, isagoo u sheegay in ay ka soo horjeedaan duqaynta iyo weerarada ka dhanka ah Iran, balse Israel ayaa dhankeeda markasta sheegta in Iran ay halis ku tahay amniga Bariga dhexe waa sida ay hadalka u dhigaane.
Bariga dhexe, oo uu ka jiray dagaal soo socday ku dhawaad hal qarni, ayaa haatan wajiyo kale yeelanaya, si wayna ugu faafaya gobolka Bariga dhexe.
Dalka Pakistan ayaa la sheegay in uu boqortooyaxa Sucuudiga u balan qaaday in ay difaaci doonaan sucuudiga hadii ay Iran ka joojin waydo dagaalka halka dhinac ah ee ay Iran ku wado, balse hadalkaas saacado uun kadib ayay Iran duqaymo ka gaysatay gudaha dalka sucuudiga, taas oo aan la ogayn jawaabta ay Pakistan ka bixin doonto.
Hoos ka daawo muuqaalka

Leave a Reply