Hesbollah iyo israel oo ku dagaalamaya gudaha Lebnon + kuwait oo soo rdiay diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka…xog faah faahsan
Colaada u dhexaysa Maraykanka iyo xulufadiisa iyo Iran ayaa si wayn ugu sii fidaya gobolka Bariga dhexe. Shacabka lebnon ayaa ilaa saaka subaxdii hore ka qaxayay dalka Lebnon, kadib markii ciidanka millitariga Israel ay ku wargaliyeen in ay ka baxaan magaalooyinka, wakhti uu bilowday dagaal u dhexeeya kooxdaha hesbollah iyo Israel oo ku dagaalamaya gudaha dalka Lebnon.
Jidadka waa wayn ee magaalooyinka ka baxa ayaa la arkayaa dad wayanaha ka cararaya dagaalka u sii qul qulaya goobo amaan ah, iyagoo ka cararaya aaga dagaaladu ka socdaan.
Boqortooyada Kuwait ayaa si aan ula kac ahayn u soo riday saddex diyaaradood oo nooca loo yaqaano F-15 ka ah ku soo riday hawada dalka Kuwait, iyadoo ay gantaalo la beegsadeen ciidamada difaaca cirka ee kuwait, sida aan ka soo xiganahay wargaysa reuters.
Saddexdan diyaaradood ayay masuuliyiinta maraykanka ee Centcom) sheegeen in ay haleeleen gantaalo ka yimid dhanka saaxiibkooda kuwait oo soo riday diyaaradahan si aan jla kac ahayn, waa siday hadalka u dhigeene, iyagoo intaas ku daray in arrinkan baadhitaan lagu hayo.
Diyaaradahan ayaa qaar kamid ah la arkayay iyagoo hawada ka soo hoobanaya, kadib markuu haleelay gantaal hawada kula kulmay.
La soco wararka bariga dhexe iyo caalamka, ku xidhnow: jigjiganews.com

Leave a Reply